Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo markii ugu horreysay fasaxaya in khamri lagu iibiyo gudaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Sucuudiga ayaa dhowaan daahfuri doonta Dukaankii ugu horreeyay ee lagu iibiyo khamriga, kaasi oo loogu talagalay dublumaasiyiinta oo keliya.

Macaamiisha dukaankan ayaa waxa ay iska diiwaangelin doonaan application, si ay Wasaarada Arrimaha Dibedda uga helaan oggolaansho, iyadoo laga rabo in ay ku eekaadaan xaddi bileedka ay iibsadaan bil walba.

Warkan oo ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Dukaankan laga furay magaalada Riyaad, islamarkaana ay qayb-ka tahay isbeddelada uu wado Dhaxal suga Amiirka Maxamed Binu Salmaan.

Khamriga ayaa waxaa la mamnuucay 1952, ka dib markii mid ka mid ah wiilasha Boqor Cabdulcasiis, Mishari bin Abdulaziz Al-Sucuud oo sakhraan uu toogtay diblumaasi British ah oo la odhan jiray Cyril Ousman, oo ahaa qunsul ku xigeenkii Ingiriiska ee Jeddah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this