Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Important International delegation arrives in Somali Capital

Recommended Posts

diyaarad_Wafdi.jpg

Muqdisho: Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

25. august 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wafdi ka socda Beesha Caalamka ,Qaramada Midowbay iyo Midowga Africa ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya.

 

Wafuudan amaankooda waxaa siweyn usugayay ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ,ayadoo haatan Jooga madasha shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ayagoo halkaasi hadalo ka jeedinaya.

 

Waxaa hogaaminaya Madaxa QM ee dhinaca siyaasadda Bruno Mpondo iyo Madax kale ayadoo lafilayo saacadaha soo socda in ay lakulmaan Madaxda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo ay kala hadlayaan arimaha Soomaaliya iyo shirweynaha beelaha Soomaaliyeed.

Bruno Mpondo oo ah Madaxa QM ee dhinaca siyaasadda ayaa shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ka horjeedinaya wuxuuna sheegay ilaa hada in ay Qaramada Midowbay ay taageerayso shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ,wuxuuna ku booriyey Ergada shirweynaha in ay ka tashadaan Aayaha dalka Soomaaliya.

 

"Dalkaan Soomaaliya oo mudo burbursanaa ,waxaan filayaa maanta waxaad isugu timaadeen in aad ka hadashaan Xaaladaha dalka Soomaaliya ,waxaan idinka codsaneynaa in aad muujisaan Firfircooni dheeri ah si looga baxo dagaalada Soomaaliya" Ayuu yiri Madaxa QM ee dhinaca siyaasadda.

 

Madaxdan ka socota Qaramada Midowbay ayaa lasheegayaa in ay ku soo xigaan Madax kala duwan oo ka socota wadamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Jaamacada Carabta wadamada ku mideysan.

 

Wixii war ah ee ka soo baxa kala soco www.AllPuntland.com

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti caalami ah oo gaarey Muqdisho

25 Aug 25, 2007 - 9:08:07 AM

 

Wafdi ka socday beesha caalamka oo uu horkacayey Mr. Bruno Pono oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Q.Midoobay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan hey’adaha samafalka, safiirada Yeman, Kenya iyo Norwey ayaa maanta booqasho ay ku yimaadeen Muqdisho kaga qebgalay shirka dib u heshiisiinta beelaha ugu socda magaalada.

 

Mr. Bruno oo halkaasi khudbad gaaban ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galka markii ugu horeysay shirka dib u heshiisiinta oo ku aadan imaanshihii ugu horeeyay ee Soomaaliya.

 

“Waxan u nimid sidii aan ugu qeyb geli laheyn doorka dib u heshiisiinta aad u fadhidan, waxaan idinkaga mahad celinaynaa sida geesinimada leh ee aad ugu guntateen ka qeybgalka shirka, beesha caalamka waxay indhaha ku heysaa natiijada ka soo bixi doonta shirkan oo ay diyaar u tahay iney gacan ka geysato balse waa inaad dhexdiina ka heshiisaan, anagoo u bandhigi doona guulaha aad ku tallaabsadeen” ayuu yiri Mr. Bruno oo sadax kalmad oo Soomaaliya ah ku hadlay oo yiri “Soomaaliya nabad, ha midowdo” taasoo si weyn loogu sacbiyay.

 

Waxa kaloo kulanka hadalo gaaban ka jediyay safiirka Kenya oo shegay in wadamada daneeya Soomaaliya ay diyaar u yihiin sidii ay u taageeri lahaayeen shirka iyo natiijada ka soo baxda, sidoo kale ergayga Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay ergooyinka shirka in ay dhexdooda ka heshiiyaan oo khilaafka xaliyaan isagoo Ilaahey ugu baryey inuu dhibaatada ka saaro ugana duceeyo shacbiga inuu shirkan noqdo kii lagu dhameeyo oo lagu ilaawo dhibaatada .

 

Wafdiga ayaa intaa kadib kulan gaar ah la yeeshay shir guddoonka iyo ku xigeenadiisa kuwaasoo ka wada hadlay sidii beesha caalamka gacan ugu geysan laheyd shirka dib u heshiisiinta iyadoo Md. Cali Mahdi Maxamed uu warbixin ka siiyay guulaha laga gaaray wajiga koowad iminkana la guda galayo wajiga labad oo ah khilafka siyaasadda, kulan kaasoo dhamaaday is afgarada sida uu warbahinta u sheegay guddoonka shirka.

 

Kulanka maanta ee ergooyinka ayaa laga dooday qodobka ah xaquuqda Haweenka kuwaasoo ay ergoooyinka isku raaceen in haweenku yihiin laf-dhabarka bulshada.

 

Shirka beelaha uga socda Muqdisho ayaa socda xilli ay magaalada ka dhacayan qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaas oo la beegsanayo ciidmada dowlada iyo dadka lagu tumo in ay la shaqeeyaan.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdiga QM uu Hogaaminayo Bruno Mpondo oo saaka soo gaaray Muqdisho

Last Updated::2007-08-25 15:52:08

 

Muqdisho:- Wafdi ka socda QM ayaa soo gaaray madasha shirka dib u heshiisiinta uu ka socda ee xarunta gaadiidka booliska

ee degmada C/casiis ayadoo wafdigan u kuur galayo shirka dib u heshiisiinta oo galay wajigii 2aad ee siyaasada.

 

Dib u dhac ayaa ku yimid booqashada wafdigan oo la filayay maalintii khamiista laakin saaka ayay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya madaxa xafiiska siyaasada Bruno Mpondo QM waxaana la filayaa in ay kulamo la yeeshaan madaxda DFKM iyo guddoonka shirka dib u heshiisiinta.

 

QM ayaa dhawaan ansixiyay in 6 bilood oo kale loogu daro ciidamada nabad ilaalinta Africa ee ka hawl gala dalka Soomaaliya inkastoo dawladda Uganda oo qura ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirtay dalka Soomaaliya.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda kooxa xiriirka Soomaaliya oo maanta ka degay Muqdisho

 

 

Wafdi caalami ah oo ka socda kooxda xiriirka Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Muqdisho ee caasimadaha ah, iyagoo kulamo la qaatey gudiga shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida.

 

Wafdigani ka socda kooxda caalamiga ah ee xiriirka ayaa waxaa hogaaminaya Bruno Mpondo ayaa waxay barqanimadii ka degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, waxaana isla markiiba ay abaareen xarunta gudiga maamulaya shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Muqdisho, iyagoo kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshey gudiga.

 

Wariyaha SBC ee magaalada Muqdisho Xasan C/casiis Mutawakal ayaa soo sheegaya in wafdi ay hadal ka jeediyeen xarunta shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida ee magaalada Muqdisho, iyadoo hadal uu halkaasi ka jeediyey madaxda wafdigaasi uu sheegay in qaramada Midoobay ay si weyn u taageersan tahay shirka dib u heshiisiinta Beelaha.

 

Madaxda wafdiga oo ah sarkaalka qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha siyaasada ayaa wuxuu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in shirka uu ku socdo wadiiqo wanaagsan, isagoo tilmaamey in gudiga ay ku gacan siin doonaan guulaysashada shirkan.

 

Wafdigan ayaa waxay sidoo kale kulamo la qaadanayaan madaxda DFKMG ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha iyo Ra'isalwasaaraha.

 

Socdaalka wafdigan uu ku tagay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta shirka dib u heshiisiinta ayaa ku soo aadaysa iyadoo xaley weeraro qarax oo ka dhacay lagu dhaawacay qaar ka mid ah ergada shirka dib u heshiisiinta ka qayb galaysa.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

wafka01.jpg

Their mode of transport speakes volumes....like there is nothing working there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this