Sign in to follow this  
General Duke

Names of government officials heading to Mogadishu and other important commitees

Recommended Posts

Wafdi uu Hogaaminayo Md. Geeddi oo Muqdisho Ku soo Fool Leh

 

Sidaa ay xusayaan waraka ka imanaya magaalada Nayroobi ee waddanka Keenya waxa uu raiisulwasaare Cali Geedi uu magcaabay wafdi ballaaran oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro oo reer Koonfur u badan kuna soo jeeda Muqdisho oo uu isagu horkacayo.

 

 

Wafdigaan uu raiisulwasaare Geedi uu soo horkacayo ayaa waxa ka mid ah:

- Xuseen caydiid

- Muuse suudi Yalaxaw

- Salaad Cali Jeelle

- Axmad Ducaale Geelle " Xaaf "

- Maxamad Jaamac Furax

- Bootaan Ciise caalin

- Cusmaan Xasan Cali " Caato "

- Maxamuud Salaad

- Maxamad Sheikh Maxamud Guuleed" gacmadheere"

- Maxamad Qanayre Afrax

- Cumar Maxamad " Filish "

- Cabdalla Deeraw *****

- C/kariim Axmad cali

- Maxamad Cusmaan Maye

- Col. Shaati guduud

- Sh. Aadan Madoobe

- Cali Ismaaciil Cabdi "Giir"

- Cabdi Xaashi C/llaahi .

 

Xubanhan uu hoaaminayo raiisulqwasaaruhu ayaa lafilayaa in ay dhawaan soo gaaraan

dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ,iyadoo sidoo kalana uu magacaabay guddi

dhaqaale u raadiya dawladad oo madax looga dhigay Saalim Calaiyaw Ibraw ,oo ay ka

midyihiin C/llaahi Sh. Ismaaciil, Ibraahin Kiish buur ,Fawsiyo Maxamad Sheikh,

C/risaaq Juriile, Fahmo Axmad Nuur .

 

Sidoo kale raiisulwasaare Geedi waxa uu magacaabay guddi isna ka shaqeeya

Iskaashiga Caalamiga ah oo iyana safarro kala duwan ku soo kala bixinaya waddamo kala duwan iyadoo guddigaasna uu hogaaminayo Maxamad Jaamac Sifir .

 

Haddaba sida muuqata raiisulwasaaruhu waxa uu hawl geliyay golihiisa wasiirada

isagoo shaqooyin kala duwan u dhiibay taas oo meesha ka saaraysa fadhi ku dirirka

Nayroobi iyo huuhaada aan macnaha lahayn oo lagu mashquulsanaa .

 

C/llaahi khadar

Budbud33@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Toddobaadkan u Safraya Muqdisho

 

w2.jpg

 

w3.jpg

 

 

w1.jpg

 

 

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Nairobi ilaa iyo marki Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay Xukuumada iyo Barnaamijkeeda Siyaasadeed

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Naironi Keya

axmeddheere65@hotmail.com

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Geedi

 

Wasiirada

 

Wasiir ku xigeenka hub ka dhigista, Geescade

 

Kulankii ugu horaayay golaha wasiirada Jamhuuriyada Federaaliga ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmiya uga furmay Hotelka Hilton ee Magaalada Nairobi.

 

Kulanka waxaa gudoominayay Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, waxaana xaadir ku ahaa inta badan xubnaha golaha wasiirada, wasiiru doowlayaasha iyo wasiiro ku xigeenada Jamhuuriyada Faderaaliga ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

 

Kulanku waxa uu furmay 10kii subaxnimo saacada Afrikada Bari ee Magaalada Nairobi.

 

Waxaana wasiiradii iyo wasiiro ku xigeenadii soo xaadiray tiradooda ahay 81 xubnood.

 

Waxaana hadalka furay Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, isaga oo sheegay hadal hordhaca ah iyo ajandaha shirka intaas ka dibna waxa uu codsaday in saxaafada iyo dadwaynaha kale ay ka baxaaan goobta shirka isagoo intaa raaciyay in markii kulanku dhamaado saxaafada u war siin doono.

 

Abarhii 2:15 Daqiiqo ayuu soo gaba gaboobay shirkii golaha wasiirada Soomaaliyeed waxaana saxaafada u yeeray raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi.

 

Waxa uuna hadalkisii ku bilabay Sidan: Salaan Diiran oo saxaafada u qaasa iyo bogaadin ka ka dib, Maanta oo ay taariikhdu tahay 15/1/2005 waxaan iskugu nimid shirkii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Faderaalka ku melgaarka ah ee Soomaliya, markii golaha Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay Xukuumada shirkaas waxaa lagu qabtay Hotelka Hilton ee magaalada Nairobi ajandihiisuna waxa ay ahaayeen labo qodob oo kalla ah sidan

 

Qodabka koowaad waa sidii loogu guuri lahaa wadanka Soomaaliya oo ay dowladu dalka Soomaaliya u aadilahayd waxna uga qaban lahayd masiibada iyo colaadaha Soomaaliya qaabkaas iyo Imkaaniyaadkiisa , ma ahan gudiyada aan halkan ku magacaabnay maanta ee kan ugu balaarani waxa uu tagi doonaa Magaalada Muqdisho oo ah caasimada Dalka ma ahan mid sahan u socda ee waa mid ka turjumaya qaybtii Koowaad ee guuritaanka Dalka loo guuri lahaa, gudigaas aniga ayaa hogaamin doona hadii alaha awooda lihi ogolaado, waxa kaloo halkan lagu magacaabay gudi qaabilsan taakulaynta dhamaan Golaha Xukuumada iyo Ergooyinki Soomaaliyeed ee Shirka ka qayb galay iyo qaybaha kalla duwan ee Jooga wadanka Kenya iyo sidii ayuguuri lahayeen.

 

Waxaan kaloon magacaawnay gudi kale oo la xaajoon doono deeq bixiyaasha iyo beesha caalamka sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Guuritaanka Doowlada ee dagdagta nagu ah.

 

Gudiga balaaran ee muqdisho ka dagi doona ee aan anigu hogaamin doono waxaa ka sii dhax bixi doona marki uu muqdisho tago gudi hoosaad iyaguna fariinta Xukuumada gaarsiindoona, Gobolada Shabeeada dhaxe Shabeelaha Hoose Hiiraan & Galguduud.

 

Halka dhinaca kale Asbuuca danbe ayanu dib umagacaabi doono iyagana gudiyo u shaqo taga Gobolada Jubooyinka, Bay iyo Bakool, Gedo iyo Puntland, Gudiyadaas macnahooda ma ahan in ay inta soo sahmiyaan hadana dib noogu soo noqdaan inagoo joogna Dalka Kenya laakiin waxaa war bixinada lagu kalla qaadan doonaa wadanka Soomaaliya gudihiisa.

 

Gudiga Muqdisho aniga ayaa hogaaminaya Farsamo ahaana waxaa diyaarinaya Raysulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Farax Caydiid , Gudiga Diyaarinaya taakulaynta iyo Deeqda lagu safri doono waxaa hogaaminaya raysulwasaare xigeenka ah wasirka maaliyada Dr Salim Caliyoow Ibroow.

 

Gudiga la doodaya Beesha Caalamka uu hogaaminayo raysulwaasare Xigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dr Maxamuud Cabdulahi Jaamac Sifir.

 

Sadaxdaa raysulwasaare xigeen ayaa kalla hogaamin doona Gudiyada waxaana iskugu soo noqon doonaa shirka golaha wasirada Arbacada Fooda nagu soo haysa si ay gudiyadu warbixinadooda ugu keenaan golaha Wasiirada ka dibno loo go' aamiyo.

 

Dhinaca kale raysulwasaaraha Soomaaliya waxa uu shaaca ka qaaday in Afhayeenka Xukuumada uu yahay wasirka wasaarada Warfaafinta si buu yiri loo sugo midnimada Golaha Wasiirada isagoo sheegay in aan loo bahnayn in wasiir waliba waxa isagu rabo sheego.

 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Naironi Keya

axmeddheere65@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Maxamed Geedi: " Shaki kuma jiro in Madaxweynaha uu tagayo Muqdisho, waayo Muqdisho waa Caasimadii Dalka, anagu waxaan u soconaa sidii aan u sii diyaarin laheyn goobihii Xukuumada iyo sidii Madaxweynaha iyo inta kale ee Dawlada ay u tagi lahaayeen Muqdisho, waxaase jirta in ay jirto sharuud ah in Dadka reer Muqdisho ay ka shaqeeyaan amaanka iyo sidii ay Muqdisho uga dhigi lahaayeen Caasimadii Wadanka oo qof kasta oo Soomaali ah uu tagi karo joogi karo, kuna noolanaan karo".

 

Link to the article...

http://www.markacadeey.com/jan/20050115_5.htm

 

(War bixin ku saabsan kulan Albaabada u xirnaayeen oo ay yeesheen golaha Wasiirada)

 

January 15, 2004

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this