Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Oodweyne oo qabtay 4 baabuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Oodweyne Oo 4 Baabuur Dhuxulaysato ah ku Qabatay Oodweyne

Hargeysa(Qaran news): Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Daadmadheedh, ayaa ka hadlay 4 gaadhi oo ay ku soo qabteen dhul, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigtay wasaaradda degaanka oo kaashanaysa ciidamada booliska ee degmada Oodweyne.
Maamulka degmada Oodweyne ayaa sheegay in toddobaadyadii u danbeeyay ay ku jireen hawlgalo ay kula dagaalamayaan dhuxuleysatada.
Guddoomiyaha gobolka Daadhmadhee
IMG-20240124-WA0003.jpgdh ayaa ciidamada booliska uga mahadceliyay sida ay markasta ugarab taagan yihiin, waxa uu intaas raaciyay in geedkii lajaraa aanu dib u soo noqonayn, waxaanu bulshada ku booriyay kuna adkeeyay inay gacan ka siiyaan sidii dhirta iyo degaankaba loo ilaalinlahaa, isla markaasna dhuxulaysatada faraha baas ku haysa degaanka sidii meel looga soowada jeesanlahaa.
Guddoomiyuhu waxa uu soojeediyay in lacagta dhallinyarada gaadiidka loo siinayo aan loo siin balse shirkado ganacsiyo kale oo shaqaynaya in loogu darro, sidoo kale waxa uu sigaara fariin ugu diray guddoomiyayaasha degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka Daadmadheedh, waxaanu caddeeyay in aanu masuul noqonayn nin degaankii baabi’inaya.
Ciidanka booliska ee gobolka Daadmadheedh ayaa sheegay in aanay cidna ka aqbalayn dhuxuleysiga sharcidarada ah, waxaaney cidkasta oo ku hawlan jarista dhirta qoyan ee laga dhigayo dhuxusha ka codsadeen inay joojiyaan, waxaa ay intaas ku dareen in qorshahoodu yahay haddii ay suuragasho inay soo afjaraan dhuxuleysatada degaanka faraha ba Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay kormeer ku tagey Taliska guud ee ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirku marku uu gaadhay taliska guud ee ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ku soo dhaweeyay xarunta taliska taliyaha ciidanka Sareeyo Guuto Axmed Hurre Haarriye iyo saraakiisha kale.
Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa wasiirka siiyay warbixin dheer oo la xidhiidha hawlaha hawl socodsiinta ciidamada ilaalada xeebuhu Qaranka u hayaan, kuwaas oo habeen iyo maalin heegan u ah ilaalada baddaha Somaliland.
Gaba-gabadii wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha JSL ayaa faray Ciidanka Ilaalada Xeebaha in ay laba laabaan shaqada ay Qaranka u hayaan, isla markaana xoojiyaan ammaanka Xeebaha JSL, waxaanu ciidanka ku ammaanay dadaalkooda muuqda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this