Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyey in Sweden ku biirto NATO

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Turkiga ayaa salaasadii shalay ansixiyay sharciga ku saabsan ka mid noqoshada Sweden ee NATO.

287 mudane ayaa Haa ku codeeyay, 55 mudane ayaa diiday, halka 4 mudane ay ka aamuseen

Finland iyo Sweden – oo labaduba ku dhow ama xuduud la leh Ruushka – waxay codsadeen xubinnimada NATO wax yar ka dib markii Ruushku bilaabay dagaalka Ukraine bishii February 2022.

Balse dalka Turkiga oo ah waddanka 2aad ee ugu weyn xubnaha NATO, ayaa is-hortaag ku sameeyey xubinimada Sweden oo uu ku eedeeyey inuu dalkaasi marti geliyo kooxaha ay u aqoonsan yihiin argagaxisada sida dhaq-dhaqaaqa Kurdida ee PKK iyo waliba falalkii dalkaasi ka dhacay ee lagu gubay Kitaabka Kariimka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this