Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Labada Goleb oo Maanta Ka Doodaya Habraaca Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan xasaasi ah ku leh xarunta Villa Hargeysa, sida guddoonku uu sheegay, kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo khuseeya dastuurka dalka, warar kale duwan ayaa kasoo baxaya.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta 3-aad iyo U codeynta Habraaca Ansixinta Wax Kabedelka Dastuurka, waxaana xildhibaannada iyo Sennatorrada ay kaga hadleen siyaago kale duwan marka la eego kulankaan, Xildhibaannada labada aqal ayaa laga dalbaday in xilli hore ay soo xaadiraan kulanka wadajirka ee BJFS.

Xildhibaan Aamino Xuseen Cali oo kamid ah xildhibaannada golaha shacabka oo wareysi siisay Goobjoog ayaa sheegtay in aysan jirin buuq ka taagan Baarlamaanka oo ku aadan kulankaan” “Xildhibaano Nairobi iyo Garoowe ka yimid looma joojinayo maanta ansixinta iyo wax ka bedelka Dastuurka” ayey tiri Aamina.

Senator Leylo Axmed ayaa dhankeeda shaxday kulanka manta iyo waxa u uku saabsan yahay xilli wareysi gaar ah ay siisay Goobjoog” Waxaa u uku saabsan yahay habraaca, haddaan iraahno maalin wanaagsan ayaan raadinaynaa lama oga maalinta ay ku beegmeyso, Maanta aan curdunnimo ka baxno” ayey tiri.

Kulanka Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa manta ka duwan kulamadii hore waxaana siweyn looga hadlayaa arrimaha Dastuurka, waxaana jirta inuu ka haray 5 qodob uu balan qaaday madaxweyne Xasan inuu qaban doono muddo-xileedkiisa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this