Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta Kulan xasaasi ah leh

Recommended Posts

Deeq A.   
thumbnail-1.jpeg?resize=660%2C364&ssl=1

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xarunta Villa Hargeysa ku leeyihiin kulan xasaasi ah, kaasoo looga hadlayo wax ka bedelka Dastuurka KMG-ka ah ee dalka.

Farriin shalay loo diray xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa loogu sheegay in ay deg deg isaga soo xaadiriyaan kulanka oo ah mid si aad ah isha loogu wada hayo.

Ajandaha kulanka maanta ayaa xildhibaanada lagu wargaliyay in uu yahay aqrinta 3-aad & u codaynta ama ansixinta habraaca wax ka beddalka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka u yaalla.

Mudanayaasha golaha shacabka iyo Aqalka sare ayaa durba iska xaadiriyay xarunta, iyadoo ay jiraan mudanayaal badan oo diidan in wax laga bedelo Dastuurka.

Sida wararku sheegayaan kulanka maanta ayaa loo diiday in ay galaan soona tabiyaan warbaahinta qaar, waxaana jira cabsi laga qabo in kulanka uu hareeyo fowdo.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta Kulan xasaasi ah leh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this