Jacaylbaro Posted August 13, 2008 Ciidamada Booliiska Laascaanood oo Gacanta Ku Dhigay Malaayiin Lacagta Somaliland oo Been abuur ah Laascaanood (Somalilandnation)- Ciidamada Booliiska Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool , ayaa gacanta ku dhigay lacag malaayiin shilin Somaliland been abuur ah oo la sheegay in laga keenay dhinaca magaalada Garoowe ee Maamul goboleedka Puntland. Wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in shixnada lacagta shilin Somaliland ka been abuurka ee ciidamada booliisku qabteen oo tiradeeda lagu qiyaasay ilaa laba Milyan io badh ah noodhka shanta boqol ee shilinka Somaliland, waxa lagu soo dhex qariyay baabuur kuwa xamuulka ah oo siday khudaar , kana yimid dhinaca magaalada Garoowe. Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Sool ayaa xaqiijiyay in qabashada lacagta been abuurka , isla markaana saarnayd gaadhi xamuul ah oo ka yimid dhinaca Garoowe lagu joojiyay kaantaroolka bariga Laascaanood , si looga qaado cashuur. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted August 13, 2008 lol, maybe tired of the Somali Shillings? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 14, 2008 Laascaanood (Jam)- Ciidammada Booliska magalaada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa gacanta ku dhigay lacag malaayiin shlilin Somaliland been abuur ah oo la sheegay in laga dhinaca magaalada Garoowe ee Maamul-goboleedka Puntland. Sida uu ku soo waramay weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Sool Cabdiqani Xasan Faarax (Gadari), shixnadda lacagta shillin Somaliland-ka been-abuurka ee ciidammada boolisku qabteen oo tiradeeda lagu qiyaasay ilaa laba milyan iyo badh ah noodhka shanta boqol ee shillinka Somaliland, waxa lagu soo dhex qariyey baabuur kuwa xamuulka ah oo siday khudaar, kana yimi dhinaca magaalada Garoowe ee Maamul-goboleedka Puntland. Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Sool oo weriyuhu wax ka weydiiyey arrintan, ayaa xaqiijiyey qabashada lacagta been-abuurka, isla markaana saarnayd gaadhi xamuul ah oo ka yimi dhinaca Garoowe lagu joojiyey kaantaroolka bariga Laascaanood si looga qaado canshuur, kadibna laba nin oo la socday gaadhigu dirawalka u dhiibeen lacag shillin Somaliland ah si uu cashuurta isaga bixiyo. Waxa kale oo Xeer-ilaaliyuhu sheegay in nimankaasi isku dayeen inay lacagtaa wax kaga iibsadaan magaalada Laascaanood gudaheeda, balse booliska oo dabagal lagu hayey markii dambe la qabtay. Lacagtan ayaan muuqaal ahaan waxba kaga duwanayn lacagta noodhka Somaliland, balse waxa ka maqan lambarka dhexda kaga yaal noodhka asliga ah ee lacagta Somaliland. Waxa kale oo Xeer-ilaaliyuhu Jamhuuriya u sheegay in aanay ahayn lacagtan foojariga ahi tii ugu horreysay ee nooceeda ee ay qabtaan, balse hore gacanta ugu dhigeen lacago been-abuur ah oo xitaa doolarka Maraykanku ku jiro, taas oo dhammaanteed laga keenay dhinaca Garoowe ee Maamul-goboleedka Puntland. Saamaynta lacagtan foojariga ah ku yeelatay suuqyada magaalada Laascaanood oo weriyuhu u dhabogalay, waxa uga soo baxday inay jirto baqdin weyn oo dadku ka qabo lacagaha foojariga ah, iyada oo lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee deegaanadaasi laga isticmaali jiray ay ku keentay sicir-barar ba’an, kadibna ganacsatadu ay doorbeen isticmaalka Shilinka Somaliland, gaar ahaan sarriflayaasha. Qaar ka mid ah sarriflayaasha magaalada oo sheegay inay si noqotay wax soo noqonoqda lacagaha foojariga ah ee magaalada la soo geliyaa. Waxaanay tilmaameen in lacagta Somaliland ugu dhaqdhaqaaq badan tahay hadda suuqayada halkaas. Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites