Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo ku saabsan kulanka maanta BF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
golaha-shacabka.jpeg?fit=2048%2C1536&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa, sida lagu sheegay farriin ogeysiis ah oo goor hore loo wada diray xildhibaannada labada aqal ee Soomaaliya.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaari doonaa habraaca wax ka beddalka Dastuurka, sida lagu sheegay qoraalka loo diray xildhibaanada Soomaaliyeed.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 3-aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka, oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay.

“Xildhibaanada sharafta leh berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 24.01.2024, waxaa jira kulan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha akhrinta 3aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guddiga dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka Saciid Cowke oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa xog cusub ka bixiyay kulanka maanta oo ay ku kala qayb-sameen inta badan xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka dalka.

Saciid Cowke ayaa sheegay in kulankan la siyaasadeeyay, isla markaana uusan ka saabsaneyn wax ka beddalka Dastuurka, taas oo uu tilmaamay inay dhiman tahay, balse uu yahay waxa kulanka wadajirka ah ay xildhibaanadu ku ansixinayaan habraac ama xeer ku aadan sida loo wajahayo wax ka beddalka Dastuurka dalka.

“Waxaa jirta marin habaabin badan oo dadka qaar ay aamineen in waxa maanta Baarlamaanka la horkeenayo uu yahay Dastuurka, basle ma ah waxa Baarlamaanka uu ka doodayo wax ka beddalka Dastuurka, waa harsan tahay, waana howl u taallo Baarlamaanka, laakiin waxa la horgeynayaa waa habraac” ayuu yiri Xoghayuhu.

Sidoo kale wuxuu sharraxaad ka bixiyay meelaha uu taabanayo habraacan iyo muhiimadda uu leeyahay, maadaama shaki weyn laga muujiyay.

“Habraaca waa xeer hoosaad, wuxuu salka ku hayaa cutubka 15-aad ee Dastuurka KMG ka ah, waxaana lagu hagayaa hannaanka Dastuurka looga doodayo, qaabka mooshinada loo keenayo, codeymaha arrimo noocaas ayuu taabanayaa” ayuu mar kale yiri Saciid Cowke.

Dhinaca kale waxaa wax laga weydiiyay in ay jirto in Baarlamaanka uu go’aan ka gaarayo nidaamka cusub ee loo guurayo madaxweyne iyo ku xigeen, taas oo uu meesha ka saaray.

“Horta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen alifkiisu wuxuu ka yimid Madasha Watashiga Qaran, waana heshiis jira, laakiin waxay ku xiran tahay Dastuurka iyo marka la gaaro shaqadiisa” ayuu sii raaciyay Xoghayaha Guddiga dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka.

Si kastaba, kulanka maanta oo isha lagu wada hayo ayaa waxaa ku kala qaybsamay xildhibaanada, taas oo keentay walaac xoogan oo ku aadan kulanka maanta.

The post Xog cusub oo ku saabsan kulanka maanta BF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this