Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Qodobbada Looga Hadlay kulanka Wasiir Fiai iyo Odeyaasha Dhaqanka ee Reer Sheekh Isxaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan wada tashi ah la yeeshay Salaaddiinta, Cuqaasha iyo odeyaasha dhaqanka kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa diiradda lagu saaray damaca guran ee dowladda Itoobiya ee kuaadan marin badda, waxaana uu ka dhageystay warbixinno kale duwan, cuqaasha ayaa wasiirka la wadaagay sida ay u diidan yihiin heshiiskii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi u uku bixiyay Badda magaalada Seylac,kadib heshiiskii ka dhacay Addis Ababa oo dowladdu ka hortimid.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Sadad Caliyow oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay kaalinta odeyaasha dhaqanka ee xiisadda isaga oo intaa raaciyay in kulankan uu yahay in la iska wareysto dhulka uu Muuse Biixi doonayo inuu xaqdarro kusiiyo Itoobiya.

Salaadiinta iyo Cuqaasha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa dhankooda muujiyay dareenkoodu ku aaddan sida ay uga soo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ay ku dooneyso dhulka iyo badda Soomaaliyeed, ayna ka go’antahay difaaca dalka.

Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ay tahay mid gardarro ah, iyaga oo umadda Soomaaliyeed ee Koonfurta iyo Waqooyi ugu baaqay in ay kacaan, iskuna diyaariyaan difaaca dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

Cuqaasha iyo Salaadiinta ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in ay lama taabtaan tahay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo carabka ku dhuftay in masiirka umadda uu mid yahay tan iyo 1960-kii, waajibna tahay ilaalinta bedqabka dhul iyo dad ahaaneed ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa u mahadceliyay baraarugga odeyaasha dhaqanka, isaga oo intaa raaciyay in dhaqanka la ciirsado marka xaaladahan oo kale ay jiraan, ayna yihiin lagama maarmaan. Wasiirka ayaa boggaadiyay shacabka ku sugan Somaliland ee difaacay dhulkooda iyo mas’uuliyiinta ka tirsanaa maamulka Muuse Biixi ee xukuumadda uga baxay dhulka Soomaaliyeed ee uu Itoobiya u saxiixay darteed.

Mudane Axmed Macallin Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa adkeeyay mowqifka taariikhiga ah dowladda Federaalka ah ee ku aaddan ilaalinta guud ahaan ee dhulka Soomaaliyeed, isaga xaqiijyay odeyaasha iyo shacabka ku sugan Somaliland ee jecel dhulkooda, kana horyimid damaca Itoobiya in ay dowladda Soomaaliyeed la garab taagan tahay hiil iyo hooba.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this