Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo mar kale si kulul ugu jawaabtay beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Redwan Hussien, La-taliyaha Amniga Qaranka ee raysal Wasaaraha Itoobiya, ayaa ku eedeeyay jileyaal caalami ah oo aan la magacaabin inay cadow ku yihiin Itoobiya iyagoo ku gabanaya inay taageerayaan Soomaaliya.

“Iyadoo ay xaqiiqadu sidaas tahay, haddana jilayaasha qaarkood oo aan Soomaaliya wax badan ka taageerin xilliyadii ay baahidu jirtay, waxay isku dayayaan inay isu muujiyaan inay saaxiibo dhab ah yihiin, balse waxaa cad in waxa ku dhiirri-gelinaya ayna ahayn Soomaaliya, balse ay tahay cadaawad ay u qabaan Itoobiya. “ayuu yidhi Redwan Hussien.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan dhaleecaynta caalamiga ah ee loo jeedinayo heshiiska is-afgaradka ah, kaas oo Itoobiya u oggolaaday inay 20 KM oo kamid ah xeebaha Somaliland ay hesho kadib heshiis taariikhi ah oo ay wada-galeen Madaxweynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi iyo raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Toddobaadkii hore raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa xaqiijiyey in maamulkiisu uu waajahayo cadaadis caalami ah oo lagu doonayo in la joojiyo  heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Itoobiya ayaa sidoo kale ku gacan saydhay dalabkii Jaamacadda Carabta ee ahaa inay Itoobiya burburiso heshiiskii ay la gashay dalka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this