Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo dalal kale kala hadlaya xaaladda cakiran ee Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa shalay magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulmay wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran,Turkiga iyo Lubnaan, ka hor kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Salaasada maanta ah lagaga hadlayo arrimaha bariga dhexe.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay iyada oo loo sii marayo app-ka fariimaha ee Telegram salaasadii in kulammada labada dhinac diiradda lagu saaray waxa ka dhacaya Marinka Gaza iyo Suuriya iyo “xaaladda kacsan” ee Badda Cas.

Wasaaraddu waxay sharraxday in Lavrov iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian ay isla garteen baahida loo qabo xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza iyo shuruudaha bixinta gargaarka bini’aadannimo ee dadka rayidka ah.

“Walaaca guud ayaa laga muujiyay xaaladda kacsan ee Badda Cas, taasoo aad uga sii dartay,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka iyo Britain ay qaadeen weerar kale oo Isniintii ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen, sababo la xiriira beegsiga maraakiibta xamuulka ah ee maraya badda cas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Lavrov iyo wasiirka arrimaha dibadda Lubnaan Abdallah Bou Habib ay ka wadahadleen muhiimadda dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka si loo gaaro xabbad joojin degdeg ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this