Sign in to follow this  
MoonLight1

The battle of Kaaraan is raging, Alshabab enter deep into the district.

Recommended Posts

Dagaal xoogan oo haatan ka socda degmada Kaaraan iyo xoogaga mucaaradka oo gudaha u soo galay degmadaasi.

 

 

Dagaal aad u xoog badan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka socdaa degamada kaaran iyadoo xoogaga ka soo horjeeda dowlada soomaliya ay gudaha u soo galeen iyagoona heysta qeyb ka mid ah degmada kaaraan ee waqooyiga muqdisho.

 

Dagaalkan ayaa geystay qasaare xoogan iyadoo aan iminka la ogaan karin tirada rasmiga ah ee dadka ay waxyeelada ka soo gaaratay maadaama uu dagaal weli ka socda gudaha degmada kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

 

Maleeshiyaadka xoogaga mucaaradka oo beryihii dhawaa ku suganaa duleedka degmada Kaaraan markii ay halkaasi ka soo bixiyeen ciidamada Dowlada ayaa haatan waxaa u suuro gashay inay gudaha u galaan degmada Kaaraan oo ka mid aheyd goobihii ay gacanta ku heysay dwolada Soomaliya.

 

Inta badan dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa maalmihii dhawaa barac ku jiray waxaana weli halkaasi ku harsan dad aysan u suuro gelin inay barakaacn oo aanan ogeyn meel ay u dhaqaaqaan madaama ay dagaaladu ka socdaan inta badan Magaalada Muqdsiho.

 

Magaalada muqdisho ayaa waxaa ka socda dagaalo culus iyadoona xasuuq ba'an loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan ee nool magaalada muqdisho, shacabka ayaa ah had iyo jeer dadka ay qaasarada lixaadka leh ka soo gaarto dagaalada muqdisho ka socda.

 

ma jirto wax xabad joojin oo ay labada dhinaca sameynayaan iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid isku dayaysa inay kala dhex gasho oo ay ku kala dab qaado labada dhinac waa maleeshiyaadka Mucaaradka iyo Ciidamada Dowlada Soomaliya.

 

Wixii ku soo kordha wararkani kala soco wararkeena danbe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Originally posted by Aw-Muuse:

Shariifs clan
went
into Al-Shabab! Allow sahal umuuraha.

ARE Shariifs clan SUOPPURTING AL-SABAB

:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this