Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqdhaqaaqa Wadddaniga ee Amxaarada oo kahoryimid Heshiiska Badda, Taageerana Midnimada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhaqdhaqaaqa Qoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya oo kamid ah kuwa ugu ballaaran ee kunool dalkaasi ayaa ka hor yimid damaca xumuumadda Abiy Axmed ku doonayo qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya, heshiiskii uu la galay Somaliland la galay kadi bee 1-da bishaan dhacay.

Qaar ka mid ah shacabka Amxaarada oo ka hadlay heshiiska dhexmaray Rai’sulwasaaraha Itoobiya Abii Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa adkeeyay in is-afgarad ku sheegaasi uu ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo aan laga fiirsan.

Waxaa ay sheegeen shacabka Amxaarada Itoobiya in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taaganyihiin iney difaacdaan midnimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana ay diginin u direen Qoomiyadda Oromada oo hadda haya talada Itoobiya.

Dhaqdhaqaaqa Amxaaradu Waxey dowladdooda u sheegeen in ay lama taabtaan tahay ixtiraamka Darisnimo oo saldhig u ah Nabadgelyada iyo Horumarka labada dal, waxaana uu kusoo aadayaa arrinkaan xilli ay Jamhadda Faano dagaal kula jirto xukuumadda Abiy Axmed.

Ugu dembayntii bulshada Amxaarada ayaa Rai’sulwasaaraha Itoobiya u soo jeediyey inuu ka fogaado wax waliba oo dhawaaci kara darisnimada sida inuu faragalin qaawan ku sameeyo dal madax bannaan, waxaa ay noqonaysaa Qoomiyadii ugu horeysay oo ka hortimaadda,

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this