Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo Qatar ku kulmay kana wadahadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_7647.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran oo ay ugu weyntahay xiisadda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socta tan iyo markii uu xukunka yimid Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Farmaajo uga war bixiyey ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka oo shaqadoodu socotay intii Farmaajo uu joogay xafiiska.

Xasan Sheekh ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

The post Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo Qatar ku kulmay kana wadahadlay arrimo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this