Deeq A. Posted January 22, 2024 New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda dibomaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiska badda ee Addis Ababa. Antonio Guterres ayaa ku booriyay labada waddan inay si dajiyaan , isla markaana ay furaan wada-hadal lagu qaboojinayo xiisadda dhexdooda ah. Xoghayaha guud ee QM ayaa sidoo kale sheegay inay lama taabtaan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayna tahay mabaadi’da caalamiga ah iyo darisnimada. “Mar walba waxaa na haga mabaadi’deenna, mabaadi’deenna waxay la xiriiraan midnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka ay Soomaaliya ku jirto,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inay wadahadal ku dhammaan doonto xiisadda, si looga baaqsado dagaal ka qarxa gobolka. “Waxaan rajeyneynaa in wadahadal looga gudbo xaaladda taagan,” ayuu mar kale ku yiri shir-jaraa’id oo uu ku qabtay shirka G77 iyo Shiinaha ee magaalada Kampala. Guterres ayaa xusay sidoo kale inay muhiim tahay in la dhowro baaqyada kala duwan oo ay hormuudka ka yihiin Mareykanka, Shiinaha, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ee ku aaddan in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay cirka isku sii shareereyo xiisadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, kana dhalatay heshiis Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.The post QM oo farogelisay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites