Deeq A. Posted January 22, 2024 Jalalaqsi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu haatan ka socdo xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dagaalkan oo ka socda deegaanka Iji ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Maleeshiyo beeleedkan oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa isku haya muran dhul beereed halkaasi ku yaalla, oo u dhaxeeya labada beelood oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal. Illaa inta hadda la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku geeriyootay illaa saddex ruux oo labada dhinac ah, sidoo kale waxaa jira tiro kale oo dhaawac ah, taasi oo si rasmi loo ogeyn maadaama uu weli socdo dagaalka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinacyada ay dagaalkan isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, uuna dagaalku haatan socdo ku dhawaad hal saac, uuna sii xoogeysanayo. Sidoo kale waxay wararka sheegayaan in gurmadyo kala gaarayaan labada dhinac, taasi oo arrinta uga sii dari karta, dagaalkana ka dhigi karta mid sii ballaarta. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online, oo wararkayaga dambe ayaa idinkula wadaagi doona Insha Allah.The post Dagaal culus oo ka socda xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites