Deeq A. Posted January 22, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Shir madaxeedkii IGAD ee Khamiistii ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, wuxuu Soomaaliya siiyay tamar cusub oo ay ku difaacan karto biyaheeda. Shirka waxaa loo sameeyay maamuus ka xoog badan fadhiyadii hore. Daneeyayaasha reer galbeedka ayaa si weyn usoo buux dhaafiyay madasha, iyada oo Mareykanka qaateen kalmadii ugu xooganeyd ee lagu garab istaagay Soomaaliya. Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Ururo waaweyn oo horey si aan leex-leexad laheyn ula saftay Soomaaliya ayaa sidoo kale fadhiyay meertada 42-aad ee madaxda IGAD. Dhamaan waxaa isha lagu wada hayay Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hagaajiyay safkiisa siyaasadda arrimaha dibadda ayaa jeediyay farriin digniin ah. Wuxuu sheegay in is-afgaradkii Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed inuu cawaaqib xumo usoo jiidi doono gobolka, si gaar ah inuu tabar cusub siin doono kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Geeska Afrika, taasi oo aan u wanaagsaneyn gobolka. Soomaaliya ayaa ka faa’iiday shirka dhowr arrimood. Mid waa inay la wareegtay taageerada dhamaan xubnaha urur-goboleedka IGAD. Inuu ururka si buuxda isku garab taagay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, muujiyeyna inay lagama maarman tahay in dhamaan la ixtiraamo xadka dalalka ururka waxay Soomaaliya siisay inuu ururka iyada toos ula saftay, marka laga reebo Itoobiya iyo Sudan oo maqna. Micnuhu waa inay Muqdisho heshay taageerada Kenya, Jabuuti, Uganda iyo South Sudan. Dalalka ururka waxay istaageen meel aanay kasoo laaban karin. Midda labaad waa in gefka Itoobiya lagu naqdiyay meel uu daawanayo caalamka. Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika oo goobta ka hadlay wuxuu sheegay in Somaliland ay ka tirsan tahay Soomaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in midnimada Soomaaliya la xaqdhowro. Tani waa dharbaaxo weyn oo cariiri galinaysa heshiiskii 1-dii bishaan lagu gaaray Addis Ababa, kaasi oo ay saxiixeen Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed. Ethiopia ayaa ka maqneyd shirka. Ethiopia waxay ku marmarsiyootay cariiri xagga jadwalka ah laakiin Abiy ayaa dorraad tegay Uganda, si uu uga qeyb-galo shir madaxeed kale oo ay lahaayeen dalalka dhex-dhexaadka ah. Waxaa halkaas laga fahmay in uusan jirin cariiri jadwal balse ay Ethiopia ku dhiiran weysay inay caalamka la timaado gefka ay kula kacday mid kamid ah dalalkii aas-aasay ururka Midowga Afrika oo ah Soomaaliya. Inay Ethiopia maqnaato faa’iido kale ayay u aheyd Soomaaliya, taasi oo cadeysay sida uu nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ugu adkaaday siyaasadda arrimaha dibadda. Muqdisho taageerada ay ka heshay dalalka urur-goboleedka IGAD waxay u bedeli kartaa kuwo ficil ah haddii Addis Ababa ay isku deydo inay xoog ku meel-mariso heshiiskii ay la galeen Somaliland, oo kamid ah dhul weynaha Soomaaliya ayey leeyihiin dadka faalloonaya arrimaha Geeska Afrika. Dhibcaha uu madaxweyne Xasan Sheekh shalay kala tegay Kampala ayaa Itoobiyaanka siinaya quus kale oo ku saabsan dhaqan-galka is-afgaradkii Addis Ababa.The post Ethiopia oo quus joogta kadib markii Soomaaliya ay kasoo… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites