Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo xasaasiya oo u socda dowladda Soomaaliya iyo madaxda Awdal State

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulamo Xasaasiya oo u Socda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Awdal State

Nairobi, (Qaran news)-Warar lagu kalsoon yahay oo kasoo baxaya magaalada Nairobi iyo Xamar ayaa sheegaya in kulamo qarsoodi ahi maalmihii lasoo dhaafay u socdeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya madaxda maamulka la baxay “Awdal State”. Wararkaasi waxay tibaaxayaan in qodobada laga wadahadlay kamid yihiin sidii loo dowladda Xamar u aqoonsan lahayd maamulkaasi. Waxaa iyana sidan oo kale aad loo hadal hayey in dowladda Xamar ictiraafto maamulka dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood ee SSC-Khatumo.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya iyada oo laga dayrinaayo colaado Geeska Afrika ka aloosma iyo muranno soo jiitamay oo ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee Somaliland oo sii murgaya maalnba maalinta ka dambaysa.

Dhanka kalana waxa jira warar sheegaaya in dawlada Jabuuti ay hada isha ku hayso sidii ay taageero ugu fidin lahayd cid kasta oo ka soo hor jeeda dawladda Somaliland iyada oo ay wararku sheegaaan in ay taageero xoogan ay la garab taagantahay dhaq dhaqaaqyda siyaasadeed ee ay dawlada Somalia ay kaga soo hor jeedo Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this