Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan Hooley oo war culus ka soo saaray xad-gudubkii uu kula kacay midnimada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_7627.jpeg?fit=1125%2C700&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Maxamed Cigale Hooley oo sheegta Suldaanka beesha Duduble ayaa raali gelin ka bixiyey hadal qalad-weyn ku ahaa midnimada Soomaaliya oo labadii bishaan uu jeediyey, isagoo xiligaas ka hadlayey heshiiskii qar iska tuurninada ahaa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Suldaan Hooley ayaa xiligaas sheegay in Somaliland ay tahay dowlad lamid ah tan federaalka Soomaaliya, isla markaana ay geli karto heshiis kasta oo danaheeda ay ka dhex aragto.

Hadalkaas markii uu jeediyey NISA ayaa Suldaan Hooley ugu dhacday gurigiisa uu ka degan yahay Muqdisho, waxaana lagu xiray godka Jilicow, iyadoo dadaal dheer oo masuuliyiinta beeshiisa ay ku bixiyeen iyo wadahadal kadib laga sii daayey xabsiga.

Suldaan Hooley ayaa maanta ka hadlay qaladkii ka dhacay, isagoo raali geliyey umadda Soomaaliyeed, cod dheerna ku sheegay inuu qaldamay oo Somaliland ay tahay maamul goboleed Jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid ah.

“Waxaan maanta qabanayaa shir jaraa’id oo aan ku raali gelinayo umadda Soomaaliyeed, sax ma aheyn hadalkeygii ahaa ‘Somaliland waa dowlad Soomaaliya la mid ah’ waxaan cadeynayaa in dhulka Soomaaliyeed uu mid yahay oo masuul ay ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Suldaan Hooley.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Qaranka Soomaaliya waa mideysan yahay waxaana madaxweyne u ah Xasan Sheekh, dalkeenu wuxuu leeyahay baarlamaanka metela dhamaan umadda ku nool dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Somaliland waa maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.”

Suldaan Hooley hadda waa laga sii daayey xabsiga, mana kala cada in hadalkaan uu iskiis u yiri iyo in la qasbay, maadaama uu maalmo badan ku xiraa Godka Jilicow oo NISA ay maamusho.

Muuqaalkaan wuxuu Suldaanku ku cadeynayaa in Itoobiya ay tahay cadowga umadda Soomaaliyeed, isla markaana aysan jirin cid dhul ka iibi karta, sidoo kale difaaca dalkaan ayuu sheegay in masuuliyadi ay ka saaran tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ninkaan ayaa mar sheega jiray Suldaanka beelaha Irirsamaale oo la isku yiraahdo Mogadishu Clan iyo Dir, wuxuu tegay ilaa Hargeysa, wuxuuna lasoo shiray madaxda iyo dhaqanka Somaliland, kuwaas oo ku qancay xiligaas qadiyaddii uu hoggaaminayey ee ‘irirsamaale’ inkastoo markii dambe ay hadalheynta qadiyadaasi meesha ka baxday.

Hoos ka daawo

The post Suldaan Hooley oo war culus ka soo saaray xad-gudubkii uu kula kacay midnimada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this