Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan uu madaxwene Biixi la yeeshay qaybo ka mid ah bariga Burco Iyo xisbiga Waddani oo shir isugu yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulamo xasaasi ah ayaa caawa ka bilaabmay magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa caawa madaxtooyada kulan ugu yeedhay qaybo ka mid ah tageerayaashiisa oo ka koobnaa odayaal dhaqameed,ganacsato iyo xubnaha golaha guurtida kaga jira beesha bariga Burco

Waxa sidoo kale caawa kulan albaabadu u xidhanyihiin isugu yimid hogaanka sare ee xisbiga Waddani kuwaasi la socda shaq dhaqaaqa madaxweynaha ee ku salaysan in aan dalka doorasho ka dhicin, sida ay sheegeen xubno ka mid ah xisbiga Waddani.

Ilaa hada wax war ahi kama ay soo baxin xaga mdaxtooyada iyo dhanka xisbiga Waddani toona. Hase ahaatee waxa ay wararku sheegayaan in madaxweynahu uu kala hadlay xubnahaasi uu ugu yeedhay kulankaasi arimaha doorashada, iyo ictiraafkii oo uu gacanta ku hayo iyo arimo kale.

Kulankaasi ayaa la sheegay in uu is afgarad ku dhamaaday

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this