Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada golaha wakiillada oo diyaarinaya mooshin maamuus ka xayuubin ah oo ka dhan ah madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada aqlabiyadda golaha wakiillada ayaa caawa illaa maanta  shirar hoose uga socdaan magaalada Hargeysa.

Xildhibaanada ayaa la shiraya xoggo ka soo baxaya oo sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu damacsan yahay in xeerkii doorashooyinka uu dib ugu soo celinayo Baarlamaanka.

Xildhibaanada golaha wakiillada ayaa iyaguna damacsan inay mooshin maamuus ka xayuubin ah ka keenaan Madaxweyne Muuse Biixi.

Xildhibaan Caano Boodhe ayaa qoraal kooban uu maanta soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

“Guddoomiye Saleebaan shalay wuxuu cadeeyey in xeerkii isasaarku dhaqan gal yahay oo iyaga dhaafay hadii ay run tahay in uu ka daba tegey xeerkaa waxaa cad in xalay odayga madaxtooyada lagaga soo gudey.

Jawaabta qudha ee u taala golaha wakiilada ee

uu arrintaa sharci jebinta ah  kaga jawaabayaa

waa inaanu mamuus ka xayuubin ku soo oogno madaxweyne muuse wax intaa ka badan ma sii eegan karo

Marna taagtaa marna tamartaa..”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this