Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha golaha guurtidda oo Madaxweynaha ka Dalbaday inuu u soo Celiyo Xeerkii Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha Guurtidda oo Madaxweynaha ka Dalbaday inuu u soo Celiyo Xeerkii Doorashada

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la sheegay inuu warqad u qoray madaxweynaha oo uu ka dalbaday in loo soo celiyo xeerkii doorashooyinka ee labada gole ka gudbay.

Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya warqadan, hase ahaatee waxa la weriyay inuu Guddoomiyaha guurtida Saleebaan uu Madaxweynaha ka dalbaday in loo soo celiyo xeerkaas taasi oo ah tallaabo halis ah oo dalka ka abuuraysa khilaaf kale oo hor leh.

Wararkale ayaa sheegaaya in xukuumaddu ay ilaa xalay ka hawl gashay sidii uu gudoomiyaha guurtidu uu hadalkiisii shalay uu dib u eegis ku samayn lahaa isla markaasina uu qoraal uu xukuumadda kaga codsalahaa in xeerka golaha guurtida dib loogu soo celiyo

Guddoomiyaha guurtidu wuxuu shalay fadhigii golaha Guurtida ka sheegày in xeerkaasi iyaga ka gudbay oo aanu dib ugu soo noqonayn.

Hadaba hadii arinkaasi uu dhab noqdo waxa uu dalku galayaa khilaaf siyaasadeed oo aad u fool xun, iyada oo cadawga Somaliland ay arinta is qabsiga siyaasadeed ee Somaliland uu macno weyn ugu fadhiyo.

Waxana la gudboon siyaasiyiinta Somaliland in ay ka foojignaadaan wax kasta oo cadawga ka farxinaaya. Sidoo kale waxa xukuumadda la gudboon in ayna fursad siinin cadawga ka xun in ay Somaliland lugaheeda ku istaagto oo ay ugu horayso dawlada Somalia.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this