Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo guddoomiyay shir ay yeesheen laamaha amnigu

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arimaha gudaha oo guddoomiyay
shir ay yeesheen laamaha amnigu
IMG-20240121-WA0005.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulan Ballaadhan oo ku saabsan amniga guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay Miiska Saraakiisha, wuxuuna ka mid ahaa kulamada caadiga ah ee lagu dardar-galinayo amniga, laguna falaqaynayey kor u qaadista amniga gudaha iyo guud ahaan difaaca Qaranka.

Shirkan muhiimka ah waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha guud ee Ciidamada kala duwan ee qalabka sida, waxaana shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, kulamada joogtada ah ee ku saabsan amniga Dalka, ayaa tusaale u ah sida ay Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ay uga go’antahay adkaynta nabadgelyada Dalka.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this