Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo mamnuucday qalab kala duwan oo loo isticmaalo Kalluumeysiga badda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1705826715654.jpg?resize=720%2C48

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa joojisay ka ganacsiga, soo dejinta iyo isticmaalka qalabka kalluumaysiga ee kala ah, Tooshka iyo Haamaha Macmalka ah ee loo yaqanao “Hoo-Nuug” iyo ka ganacsiga iyo Isticmaalka Shabaagaha Caaga ah, kuwaasi oo la ogaaday inay khatar ku yihiin nafta bini’aadamka iyo Khayraadka Badda.

Sidoo kale Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa mamnuucday in laga ganacsado Aargoosatada billaha 10-aad ilaa 1-aad ee Sanad Walba, xiligaas oo tarankeedu ku beeganyahay

Sidoo kale waxaa Wasaaradda kalluumaysigu ku wargelisay doonyaha ajnabiga ah ee kalluumaysta in ay ka reeban-tahay imaansha ha meelaha ay kalluumaysatadda Wadaniga ahi ka kalluumaystaan.

Halkaank ka akhriso go’aanka Wasaaradda

FB_IMG_1705826038636.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1705826042667.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Puntland oo mamnuucday qalab kala duwan oo loo isticmaalo Kalluumeysiga badda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this