Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo Duqeyn ku dishay Madaxii Sirdoonka Ciidamada Jamhuuriga IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar ay Israa’iil ku qaadday caasimada Suuriya ee Dimishiq ayaa lagu dilay madaxii sirdoonka Ilaalada Kacaanka Iran iyo saddex kale oo Ilaalada ahaa.

Dhismihii ay deganaayeen oo ku yaalla xaafadda Mazzeh ee magaalada Dimishiq ayaa lagu beegsaday duqeynta Israa’iil.

Duqeyntan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof.

Wakaaladda wararka ee Iran Mehr ayaa sheegtay in madaxa sirdoonka u fadhiyey Suuriya, ku xigeenkiisa iyo laba kale oo ilaalo ah ay ku shahiideen weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Suuriya.

Taliyaha la dilay Hojjatollah Omidvar oo sidoo kale loo yaqaanay Sadegh Omidzadeh, ayaa ahaa Madaxa Sirdoonka IRAN ee Ilaalada Jamhuuriga Qeybteeda Qudus ee qaabilsan Barigga Dhexe.

War qoraal ah oo ay soo saartay Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa lagu xaqiijiyay in afar ka mid ah xubnaheeda ay ku weyday duqeynta ay ku eedeysay Israa’iil.

IRAN ayaa duqeyn la beegsatay xarun sirdoonka Israa’iil ee Mosaad ku leeyihiin magaalada Erbil ee ismaamulka Kurdistan ee Waqooyiga Ciraaq, isniintii lasoo dhaafay. Duqeyntaasi ayey ku dhinteen 7 qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this