Saalax Posted September 14, 2010 Xariirad-(Lug)-Wararka laga helayo Buuralayda Maar-Maar oo galbeed kaga beegan Magaalada Xariirad ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaadka halkaas soo galay in hada halkaas ay ku hareeraysan yihiin Ciidamada S/land iyo Itoobiyaan jooga dhinacooda. Waxaa kale oo wararku intaas ku darayaan in ay jiraan maleeshiyo beeleedyo ka tirsan dadka degaanka oo iyagu is abaabulay oo bilaabay inay is berbertaagaan ciidamada JSL. Waxaa xusid mudan in ciidankaasi ay ka tirsan yihiin jabhada ONLF garabka Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo isagu diidan in uu heshiis nabadeed la qaato Itoobiya sida ay cadeeyeen saraakiil ka tirsan ciidanka S/land oo ka gaabsadey in ay magacooda sheegaan. Waxa ay wararku intaas raacinayaan in jabhadani ay maalmaha ciida ay soo galeen oo ay ka soo dageen meel ka tirsan xeebta u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya oo la yidhaahdo Bule Cade una dhaw xaga magaalada Lughaya, waxaanay ay warar sirdoonka ahi sheegayaan in tirade jabhadani gaadhayso ilaa 300 oo nin oo aad u hubaysan inkasata oo wararka qaar sheegayaan tiro intaas ka badan. Waxaa kale oo heegan buuxa la galiyey Ciidanka Booliska eek u sugan magaalada Boorama kuwaas oo laga yaabo dhawaan in la qaado ama la geeyo aaga ay hada wax ka dhacayaan sida ay saraakiishooda qaarkood warbaahinta gudaha u sheegeen. Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya dhinaca caasimada Hargaysa ayaa waxa ay sheegayaan in shir dagdag ah la isugu yeedhay dhamaan taliyayaasha ciidamada qaranka ee dalka oo dhan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 14, 2010 Originally posted by Libaahe*: Waxaa kale oo heegan buuxa la galiyey Ciidanka Booliska eek u sugan magaalada Boorama kuwaas oo laga yaabo dhawaan in la qaado ama la geeyo aaga ay hada wax ka dhacayaan... macal booliski.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted September 14, 2010 This is opportune time for SSC and Atom to step up. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 14, 2010 ^^^lol@ Atom whats he going to do invade Burco? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted September 14, 2010 No, just to create confusion. Quote Share this post Link to post Share on other sites