Sign in to follow this  
Saalax

Wararka laga helayo Buuralayda Maar-Maar oo galbeed kaga beegan Magaalada Xariirad

Recommended Posts

Saalax   

Xariirad-(Lug)-Wararka laga helayo Buuralayda Maar-Maar oo galbeed kaga beegan Magaalada Xariirad ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaadka halkaas soo galay in hada halkaas ay ku hareeraysan yihiin Ciidamada S/land iyo Itoobiyaan jooga dhinacooda.

 

Waxaa kale oo wararku intaas ku darayaan in ay jiraan maleeshiyo beeleedyo ka tirsan dadka degaanka oo iyagu is abaabulay oo bilaabay inay is berbertaagaan ciidamada JSL.

 

Waxaa xusid mudan in ciidankaasi ay ka tirsan yihiin jabhada ONLF garabka Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo isagu diidan in uu heshiis nabadeed la qaato Itoobiya sida ay cadeeyeen saraakiil ka tirsan ciidanka S/land oo ka gaabsadey in ay magacooda sheegaan.

 

Waxa ay wararku intaas raacinayaan in jabhadani ay maalmaha ciida ay soo galeen oo ay ka soo dageen meel ka tirsan xeebta u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya oo la yidhaahdo Bule Cade una dhaw xaga magaalada Lughaya, waxaanay ay warar sirdoonka ahi sheegayaan in tirade jabhadani gaadhayso ilaa 300 oo nin oo aad u hubaysan inkasata oo wararka qaar sheegayaan tiro intaas ka badan.

 

Waxaa kale oo heegan buuxa la galiyey Ciidanka Booliska eek u sugan magaalada Boorama kuwaas oo laga yaabo dhawaan in la qaado ama la geeyo aaga ay hada wax ka dhacayaan sida ay saraakiishooda qaarkood warbaahinta gudaha u sheegeen.

 

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya dhinaca caasimada Hargaysa ayaa waxa ay sheegayaan in shir dagdag ah la isugu yeedhay dhamaan taliyayaasha ciidamada qaranka ee dalka oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Libaahe*:

Waxaa kale oo heegan buuxa la galiyey Ciidanka Booliska eek u sugan magaalada Boorama kuwaas oo laga yaabo dhawaan in la qaado ama la geeyo aaga ay hada wax ka dhacayaan...

:D:D:D:D

 

macal booliski....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this