Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada Hadleen Madaxweyne Dr. Xasan iyo Xogheyaha Guud ee Jaamacadda Carabta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Masar kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa ka mahadceliyay go’aanka guddoonka iyo dalalka Ururka Jaamacadda ay kaga hor yimaadeen damaca gurracan ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kuna taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweyna Xasan Sheekh iyo xoghayaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa dhanka kale iska xog wareystay amniga iyo istaraatijiyada badda Cas ee marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandeb iyo xaaladda geeska Afrika, iyaga oo dul istaagay cawaaqib xumada ka dhalaneysa tallabooyinka qar iska tuurka ah ee maamulka Addis Ababa ay ku faragaliyeen midnimda dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay hoggaanka ururka Jaamacadda Carabta mowqifka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku diideen damaca xukuumadda dowladda iyo Ra’iisul wasaarE Abiy Axmed ee ka dhanka ah badda iyo dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib heshiiskii is-afgaradka.

Xoghayaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa muujiyay dadaalka iyo garab istaaga Jaamacadda Carabta ee lagu xoojinayo midnimada iyo gobanimada Soomaaliya, axaana uu sheegay inaanan la aqbali karin xadgudubka dhanka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saldhig u ah xasilloonida gobolka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this