Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil u dhashay Iiraan oo ku dhintay duqayn Israa’iil ka fulisay Caasimadda Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   
0f623d84-8e3c-4f44-9249-1531d9744a03_w40

Duqeyn ay Israa’iil Sabtida maanta ah ka fulisay caasimadda Suuriya ayay ku burburisay dhismo ay adeegsadaan ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar Iiraaniyiin ah, sida ay wariyeen warbaahinnada dowladaha Suuriya iyo Iiraan.

Telefishinka qaranka Iran ayaa wariyay in afar la-taliye oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka lagu dilay duqeynta ka dhacday magaalada Dimishiq, iyadoo aan sheegin magacyada la taliyeyaasha la dilay. TV-ga ayaa intaa ku daray in Israa’iil ay ka dambeysay weerarka.

Wargeyska Nour News oo la rumeysan yahay in uu ku dhow yahay sirdoonka dalka Iiraan ayaa isna sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay lagu kala magacaabi jiray Gen. Sadegh Omidzadeh, oo ahaa ku-xigeenkii sirdoonka ee ciidamada ilaalada Quds ee Suuriya iyo ku xigeenkiisa.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha Suuriya oo ah hay’ad mucaarad ah ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof oo shan ay Iiraaniyiin yihiin iyo mid Suuriyaan lagu dilay weerarka loo adeegsaday gantaallada oo dhacay xilli saraakiil ka tirsan kooxaha ay Iran taageerto ay shirayeen.

Madaxa hay’adda, Rami Abdurrahman, ayaa sheegay in saddex ka mid ah Iiraaniyiinta ay ahaayeen taliyeyaal, isaga oo intaa ku daray in afar qof oo kale wali lagu la’yahay burburka hoostiisa.

PUNTLAND POST

The post Saraakiil u dhashay Iiraan oo ku dhintay duqayn Israa’iil ka fulisay Caasimadda Suuriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this