Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo guddi u magacaabay Xallinta Shaqaaqadii Sheerbi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1705749329047.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa guddi u magacaabay xallinta dhaqaaqo laba beelood ku dhexmartay degaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

Warqad ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban shan xildhibaan.

Warqadda ayaa lagu sheegay in guddiga loo magacaabay in ay qayb ka noqdaan xallinta shaqaaqadii ka dhacday degaanka Sheerbi oo ka tirsan Gobolka Karkaar.

Guddoomiyaha guddiga ayaa laga dhigay xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo sidoo kale ah guddoomiye ku xigeenka dallada bulshada rayidka ah ee PUNSAA.

Halkan ka akhriso magacyada guddiga

FB_IMG_1705742118293.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo guddi u magacaabay Xallinta Shaqaaqadii Sheerbi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this