Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamanka Puntland oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1705736058352.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabida xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada.

Waxaa Golaha dhammaan la dhammeystiray soo gudbinta Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha oo ka kooban 10 xubnood.

Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada.

Guddiga joogtada ah ayaa ka kooban Guddoomiyaha, Labada Guddoomiye ku-xigeen iyo 10 Madax Guddiyeed, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 11-aad.

1.Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

2. Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.

3. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.

4. Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka iyo
Dimuqraadiyadda.

5. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.

6. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka.

7. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

8. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

9. Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah.

10. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska.

The post Guddiga Joogtada ah ee Baarlamanka Puntland oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this