Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Eritrea ee UK oo lagu amray in uu dalkaas ka baxo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ingiriiska ayaa la sheegay inay ku amartay Safiirka Eritrea u fadhiya London Stephen Habtemariam inuu dalka ka baxo. Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Eritrea iyo UK, oo xidhiidhkooda diblumaasiyadeed uu lahaa muddo ka badan sodon sanno, ayna weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan ceydhinta.

Sida laga soo xigtay website-ka safaaradda Eritrea ee London, Saleh Abdullah ayaa hadda ah madaxa safaaradda. Sababta ka dambeysa go’aanka dowladda UK ay dalkeeda uga ceyrisay Danjire Stephen Habtemariam ayaa lagu sheegay inay jawaab u tahay tallaabo la mid ah oo ay hore u qaadday Eritrea.

Waxaa xusid mudan in sanadkii hore safiirka UK ee Eritrea uu u safri waayay Asmara sababo la xiriira ogolaansho diblumaasiyadeed oo loo baahnaa oo uu ka waayay dowladda Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda si gaar ah looma sheegin sababta ay madaxda Eritrea u gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday, markii uu danjire Habtemariam la wareegay xilkiisa, isla markaana uu waajibaadkiisa gudanayay.

Stephen Habtemariam oo 8-dii sanno ee la soo dhaafay wakiil uga ahaa dalka Ereteriya UK, ayaa bishii February ee sannadkii 2015-kii u gudbiyay warqadii magacaabista boqorada Elizabeth, wuxuuna si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa safiirnimo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this