Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo diiday dhex-dhexaadin Ilaa Itoobiya ka laabato Is-afgaradkii Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Hasan-Sheikh-Abiy-Ahmed.jpeg?resize=880%

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

Xiisadda labada dal ayaa cirka gashay kadib markii dalka aan badda laheyn ee Itoobiya uu is-fagarad la galay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo siinaya marin badeed.

Taa beddelkeed, Somalilad — oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii — ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayay tiri dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo diiday dhex-dhexaadin Ilaa Itoobiya ka laabato Is-afgaradkii Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this