Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay Kampala oo uu maanta ka furmayo Shirka lagaga hadlayo heshiiska dhinaca badda ee Somaliland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaadhay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa Kampala kaga qeybgalaya shir lagu wado inu maanta uga furmo Kampala madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD, kasoo uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Shirka madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa ah mid ay kaga arrinasanayaan heshiiska dhinaca badda ee bilowgii bishan ay wada-galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa maalin ka hor ka cudur daaratay kasoo qeybgalka shirkaan lagu wado inuu maanta ka furmo dalka Uganda, waxuuna shirkaan kusoo beegmaya, iyadoo ay sii kordheyso xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku hayso heshiiskii Addis ku wada galeen Itoobiya iyo Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this