Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha xisbiga UCID-Oo dhaliil culus u soo jeediyay dawladda Somalia iyo shicibkeeda kana hadlay xasuuqii 1988-kii

Recommended Posts

Deeq A.   

“Aqoonsiga Ethiopia waxa ku soo xigi doona wadamo ay South Afrika ugu horayso”

Faysal C.Waraabe

 

Hargaysa ():Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku eedeeyay dawladda Soomaaliya in ay iyaga iyo shacabkooduba heshiis ku yihiin cadaawadda ay u qabaan jmahuuriyadda Somaliland iyo bulshadeedda.

Waxaanu sheegay in arrintan heshiiska is-af-garad ee aynu la gaadhnay Ethiopia, ay tahay arrin wanaagsan, taasoo noqonaysa wixii ay Somaliland mudadda dheer raadinaysay oo ah aqoonsi ay caalamka ka hesho.

 Guddoomiyaha UCID waxa uu sidan ka sheegay dood ka qabsoontay aaladda Twitter space, oo ay hogaaminayeen saxafiyiin reer Somaliland, isla markaana ay dadweynihii dhegaysigeedda ka qayb galay su’aallo kala gedisan ku waydiiyeen guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe, ayaa si weyn carrabka ugu adkeeyay in aanay Soomaaliya, wax ba ka bedeli Karin heshiiska dhexmaray Somaliland, iyo dawladda Ethiopia, isla markaana ay Somaliland u madax banaan tahay in ay ka shaqayso horumarka dalkeedda.

Wxaanu si gaar ah ugu dhaliilay maamulka Muqdisho, ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, in ay yihiin cadawga koowaad ee ummada Somaliland, maadaama oo ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin heshiiskani oo horumar iyo guul ba u ah jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaamu yidhi “Waxaad moodaa in ay Soomaaliya, heshiis ku yihiin cadaawadeena. Arrintan heshiiska is-af-garad ee aynu la gaadhnay Ethiopia, waa arrin wanaagsan, waa taa ay cadawgeenii la waalanayaan, ee ay Maryaha dhigteen, gurigayga anigaa ka talinaya, ee gurigaaga ka tali. Markii aynu Ingiriiska eryaynay, ma Soomaaliya, ayaynu kala tashanay? Markaan Soomaaliya, la midoobaynay, ma Soomaali ayaynu kala tashanay? Dalkayaga dantiisa amaga ayaa naqaana. Qofka gurigiisa hagaajisan kari waayay, inuu kaayaga ka hadlo maaha. Arrintan heshiisku, waa mid wanaagsane, hala wada difaaco”.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa fariin u diray dhalinyaradda Somaliland, waxaanu ugu baaqay in ay ogaadaan in heshiiskani uu qayb weyn ka yahay mustaqbalkoodda, isla markaana ay difaacdaan kuwa ka xun ee cadawga ku ah heshiiskani, iyo horumarka u soo kordhay Somaliland.

Waxaanu yidhi “Dhalinyarooy, yaanu mustaqbalkiinu idinka xumaanin. Fursadaa aad maanta hesheen difaacda. Kuwa inagu xaasidka ahna waxaad arki doontaan, iyagoo ina baryaya. Dhalinyarooy, ayaan khal-khal la idin gelinin, ee heshiiskani waa danteena, ee aynu difaagano. Nin aan waxba kuu ogolayn, oo horumarkaaga ka soo hor jeedaa, yaanu ku marin habaabinin.

Waxaad ogaataan inaga Soomaaliya, ayaa ina xumaysay, oo ina barokicisay, oo qoxoonti inaga dhigtay. Sanadkii 1988-kii, Soomaaliya, isir ahaan ayay inoo laysay, oo diyaarado inoogu

garaacday. Dalkeena ayaynu hagaajisanaynaa, waana la inoo soo haajiri doonaa”.

Eng. Faysal waxa uu sheegay in u guul weyn yahay heshiiskani ay wada gaadheen Somaliland, iyo Ethiopia, kaasoo uu ku tilmaamay in aanay jirin haba yaraatee wax dhibaato ah oo uu inagu keenayo.

Waxaanu yidhi “Heshiiska marka la dhamaystiro wixii dhibaato inoo keenaya, waynu iska saaraynaa. Laakiin, anigu dhibaato ba uma arko. Ethiopia, sabab ay halis inoo gelin kartaa ma jirto, balse waynu kala faa’iidaysanaynaa. Markaa khatarahan la inoo sheegayo, ee la ina tusayaa wax jira maaha. Waxan la inagu cabsi gelinayaa waa waxba kama jiraan.
Heshiiskani wax sas laga qaado maaha. Dal heshiis la galay dal kale, wax laga saso oo dhibaato ah oo uu inoo keenayaa ma jirto. Nimankan (Soomaaliya), ee Daasadaha garaacayaa waa ka xaasidnimo”.

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in aqoonsiga ay Ethiopia, balan qaaday in ay siinayso jamhuuriyadda Somaliland marka la dhamaystiro heshiiska, in ay jiraan dawlado kale oo Afrikaan ah oo ku xigi doona, kuwaasoo ay ka mid tahay dawladda South Afrika.

“Ethiopia, waa wadan weyn oo sumcad ku leh adduunka. Marka la is bar-bar dhigo Ethiopia, iyo Soomaaliya, Afrika, waxay raacaysaa Ethiopia. Waayo? Soomaaliya, waa dawlad fashilantay. Aqoonsiga Ethiopia, waxaa ku soo xigi doona wadamo dhawr ah, oo ay South Afrika, ugu soo horayso” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.

Dhinaca kale, guddoomiyaha UCID oo la waydiiyay su’aal ahayd sababta uu madaxweynaha Soomaaliya, isku bar-bardhigay uguna tilmaamay laba cadaw oo siman heshiiska is-af-garad ee ay wada gaadheen Somaliland, iyo Ethiopia, iyo Alshabaab, waxa uu ku jawaabay,“Waa nasiib darro in ay inaga iyo Alshabaab ina simaan. La yaabi maayo Xasan Sheekh, oo wuxuu ka soo jeedaa qabiilkii la dagaalamay Caydiid.

Markaa la yaabi maayo, oo wuxuu hayaa waddadii uu Cali Mahdi, kula dagaalamay Caydiid. Arrintaasi mid aanu ka filaynay ma aha, kooxda Villa Soomaaliya. Laakiin, wax ay ina yeeli karaan ma jirto. Arrimahaasina isaga iyo kooxdiisa ayuun bay xumaan u keenaysaa. Wax saamayn ah oo inagu yeelanaysaa ma jirto, Afka ayuun buu iska xumeeyay Xasan Sheekh. Xasan Sheekh, markuu leeyahay anigaa xukuma xeebaha Somaliland xagee ayuu ku xukumaa, ama ku arkay? Wax baa ka qaldan, oo aqoon darro ayaa wada, iyo xaasidnimo. Wax dhibaato ah oo uu heshiiskani inagu leeyahay ma jirtee, horta taa niyada gashada”ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this