Deeq A. Posted January 17, 2024 Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa galabta lagu xiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida uu xaqiijiyey xildhibaanka ku metela golaha shacabka. Askar ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa Cali Yare ka watay xarunta Wastget Mall ee bartamaha Nairobi, intaas kadibna waxaa soo baxay warka sheegay in la xiray Cali Yare. Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo golaha shacabka ku metela Cali Yare ayaa Maqribkii sheegay in la xiray Cali Yare, isla markaana uu raadinayo xiriirkiisa, bulshadana uu la wadaagi doono sababta loo xiray. Mar kale ayuu goordhow soo hadlay Xildhibaan Ilyaas Sheekh, isagoo yiri, “Iminka ayaan Gudoomiye Cali Yare kula hadlay qadka Telefoonka Nairobi wuxuna ii sheegay in rag police ah ay qabteen kadibna ay su’aalo weeydiiyeen, lana sii daayay oo uu xor yahay iminka.” Ilaa hada lama shaacin sababta ka dambeysa xariga Cali Yare, waxaana saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsatay hadalheynta xarigga la sheegay in loo geystay Cali Yare. Ninkaan ayaa si weyn u mucaarada dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama uu ka mid ahaa rajiimkii Farmaajo ee xukunka ka degay. Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa inta badan lagu xiraa Nairobi, hada waxaa la weysan yahay wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo hal toddobaad maqan. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayey in Cabdirashiid Janan la dilay, balse ilaa hada ma jirto cid shaacisay xaqiiqada halka uu ku sugan yahay Cabdishariid Janan, waxaana iska soo daba baxaya baaqyo loo dirayo dowladda Kenya.The post Maxaa ka jira in Cali Yare Cali lagu xiray magaalada…? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites