Deeq A. Posted January 17, 2024 Agaasimaha Caafimaadka oo Qalab ka Wareegay WHO Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa agab Caafimaad kala wareegay Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO. Munaasibad kooban oo ka qabsoontay xarunta kaydka dawooyinka qaranka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo lagula kala wareegayay agabkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Caafimaadka aduunka, Madaxa kaydka dawooyinka iyo Madaxa Qaybta gargaarka degdega ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Hawlwadeenadda hay,adda WHO oo madasha hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay noocyada agalabkan ay wareejinayaa oo intiisa badan loogu talogalay xanuunka xumadda ah ee (dengue fever) iyagoo sheegay inay Wasaaradda si dhow ula shaqeeyaan siina wadayaan wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah ula wareegay agabkan Caafimaad ayaa u mahadceliyay Hay’adda Caafimaadka aduunka sida wanaagsan ee ay ula shaqayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, isagoo xusay in uu agabkani wax weyn ka tari doono dadaalada ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ugu jirto la dagaalanka Xanuunka Xumadda. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites