Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arimha dibada Somaliland oo u Socdaalay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo u Socdaalay Turkiga

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo marti-qaad rasmi ah ka helay dalka Turkiga ayaa ka dhoofay Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Martiqaadkan oo heer dawladeed ah ayuu Wasiir Ciise Keyd kaga qayb galayaa shirweyne lagu qabanayo dalka Turkiga.

Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkigu martiqaaday si uu ugala hadlo qorshe ay doonayaan inay ku wada hadal siiyaan Somalia arrinta heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this