Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Saraakiisha ammaanka iyo madaxda Hormuud oo is-afgarad ku gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.jpg?fit=1080%2C810&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo magaalada Muqdisho uga socday saraakiil ka tirsan hay’addaha ammaanka iyo madaxda Hormuud, kadib markii ay meel sare gaartay xiisadda NISA iyo Hormuud.

Kulamadan ayaa waxaa looga wada-hadlay xiisadda taagneyd maalmihii dambe iyo sidii loo xoojin lahaa ka wada-shaqeynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankii u dambeeyay ee dhinacyadu yeeshaan ayaa xal looga gaaray caqabado taagnaa, ayada oo uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

Masuuliyiinta dowladda federaalka oo qaarkood aan xiriir la sameynay ayaa ku gaabsaday in saraakiisha ka tirsan hay’addaha ammaanka iyo madaxda Hormuud ay arrinta ku xaliyeen si ay ku jirto maslaxada guud ee dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ilaalinta amniga iyo bad-qabka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda iyada oo markasta dhawraysa sharciga.”

Si dhab ah looma oga in Hormuud ogolaatay bixinta xogta macaamiisha oo aheyd saldhiga khilaafka hay’adda NISA iyo madaxda shirkadda Hormuud, sidoo kalena weli nalooma xaqiijin in NISA raal-gelin ka bixisay weerarkii ay ku qaaday qaar kamid ah xarumaha shirkadda.

NISA iyo Hormuud ayaa dhawaan waxaa ka dhex aloosneyd xiisad la xiriirta dhaq-dhaaqa Koontooyinka Bangiga iyo Adeegga EVC Plus oo ay shirkaddu bixiso.

Shirkadda oo maalmo kahor qoraal soo saartay ayaa ku dooday in aysan jirin gacan saddexaad oo soo kala dhex gasha iyada iyo macmiisha, halka NISA ay sheegtay in fatashaada ay la xiriirto la-dagaalanka argagixisada, xilli horey dowladda u qaaday tallaabooyin ay kula dagaalamayso lacagaha baadda ah ee kooxda ka aruursato Muqdisho.

Xiisaddan ayaa sidoo kale dhawaan gaartay madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu soo gaabiyay safarkii Dhuusamareeb, islamarkaana galinkii dambe ee Isniintii deg deg ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

The post Xog: Saraakiisha ammaanka iyo madaxda Hormuud oo is-afgarad ku gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this