Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay in uu ka shaqaynayo burburinta Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1705480768045.jpg?resize=720%2C40

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay ururada iyo wadamada ay bah wadaagta yihiin kala shaqeyneyso sidii loo burin lahaa heshiiska sharci darada ah ee dowlada Itoobiya ay la gashay maamulka gobolada waqooyi ee Soomaaliya {Somaliland}

Madaxa warfaafinta gudiga amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa tilmaamay sida marar badan ay ku celceliyeen in dowlada Mareykanku taageersan yahay madax banaanida iyo qarnimada dhuleed ee Soomaaliya ayna tahay in la xushmeeyo.

Agaasimaha ayaa sheegay in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ay kula jiraan khawaarijta.

“Xaaladdaan waxa ay keeneysaa qatar amniga Qaranka ah, taas oo ah mid dhiiri gelin karto xagjiriinta Al-Shabaab oo muddo dheer dagaallo arxan daran ka waday gudaha Soomaaliya” ayaa intaas ku daray John Kirby.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo sheegay in uu ka shaqaynayo burburinta Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this