Liibaan Posted September 8, 2009 Rochester USA; Soomalida ku dhaqan wadanka Mareykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ay aad ugu badneyd hadal-haynta inuu madaxweynaha DFKMGS Mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmed ( Xafudulaahi) iyo wafdi uu hogaaminaayo uu imaanaayo New York dhammaadka bisha September 2009-ka , iyagoo ka qeybgeli doona shir-weynaha Qaramada Midoobey ( UN Assembly) oo ka furmi doona New York September 23rd-26th 2009. Hadal hayntu waxay intaas ku dareysaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisu marka ay soo dhameystan ka qeyb-gelitaanka shir weynaha Qaramada Midoobey inay tegidoonaan Washington DC, iyagoo halkaas kulamo kula yeelan doono mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada Mareykanka sida Xogheyaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Hillary Clinton, mus'uuliyiin kale oo Mareykanka ah iyo dabcan Jaaliyadaha Soomaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga. Dadka sida dhabta ah ula socda guud ahaan arrimaha Soomaliya, gaar ahaan marxaladihii kala duwaney ee dalku ku jiray 19kii sano ee la soo dhaafay, waxay qiraayaan in wixii ka danbeeyay kulankii dhowrka bilood ka hor magaalada Nairobi Kenya ku dhex maray Madaxweynaha DFKMGS Sheikh Shariif Sheikh Ahmed iyo xogheyaha arimaha dibada ee Mareykanka Hillary Clinton, inuu kulankaas geeska Afrika u bidhaanshay rejo cusub ( new hope) oo ah inay geeska Africa ay ka dhalato dowlad soo celisa nadaamkii dowladnimo iyo kala danbeyntii dowladnimo, inkastoo ay jiraan kooxo shaatiga badan oo qandaraasyo ku soo qaatay inaysan Soomaliya ka dhalan dowlad. Mareykanku wuxuu ku guuleystay in uu beesha caalamka ka dhaadhiciyo inay lagama maarmaan tahay in si deg deg ah looga hor-tago halista ka soo socota Soomaliya inta aysan ku faafin dowladaha deriska la ah Soomaliya iyo gobalka oo dhan, haddii ay halistu gaarto gobalka waxaa qal-qal gelidoona danaha adduunka oo dhan. Soomali badan oo ku nool waqooyiga Ameerika, gaar ahaan Canada iyo America ayaa u jid-beysan aragtida Madaxweynahooda da'da yar, laakin xig-mada badan, sidaas ayaa keneysa hadal haynta badan ee imaatanka Madaxweyne Sh. Shariif iyo wafdigiisa New York. Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle n Jowhar53@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Rochester, MN Somaliweyn Media Center “SMC” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted September 8, 2009 WELCOME MR. PRESIDENT Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted September 10, 2009 Madaxweynaha Somaaliya oo soo booqan doona Soomaalida ku nool Mareykanka dabayaaqada bishan Khamiis, September 9, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa qorsheynaya in uu booqdo Dalka Mareykanka, gaar ahaan Gobolka Minnesota ee ay Soomaalida badan ku nool yihiin ee Mareykanka iyo Gobollo kale oo ka tirsan Dalka Mareykanka Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Dr. Cilmi Axmed Ducaale ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AP in Madaxweyne Shiikh Shariif uu doonayo in uu booqdo Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan Magaalooyinka Minneapolis, Columbus iyo Washington D.C. Danjire Cilmi Axmed Ducaale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu booqan doono magaalooyinkaas kaddib marka uu dhameysto ka qeybgalka Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaasi oo sanad kasta la qabto marka la gaaro dhamaadka bisha September. Kumaan kun oo Soomaali ah ayaa Mareykanka tegay 20 sano ee la soo dhaafay, iyadoo dadkii ugu horreeyayna ay halkaas tageen kaddib markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya sanadkii 1990-kii. “Booqashada Madaxweyne Shiikh Shariif ee Mareykanka waxay leedahay labo ahmiyadood oo kala ah in uu marka hore u sheego Soomaalida Mareykanka ku nool xaaladda uu haatan ku sugan yahay Dalka Soomaaliya iyo mid kale oo ah in uu xusuusiyo in ay gacan ka geysan karaan soo celinta nabaddii iyo Qarannimadii Soomaaliya”ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Cilmi Axmed Ducaale. Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Soomaalida Mareykanka ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo hay’adaha dabagalka Mareykanka ay sii wadaan baaritaanno ay ku ogaanayaan ciddii ka dambeysay in ay Soomaaliya dib ugu noqdaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood iyagoo ka dhinac dagaallamayay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Xarakada Al-Shabaab lagu dilay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted September 10, 2009 I hope inuu mid miro dhala noqdo...and he should receive the best wellcome! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 10, 2009 Kanada ma imaan doonaa taloow? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted September 10, 2009 Look at Shariff Hassan Adan in the background popping his head up trying to get into the pic. Looks for every photo opportunity to look at the camera! The man has absolutely no allegiances or integrity. It's all about satisfying his ego. He'll support whoever can give him camera exposure. I know it's off topic, but the man annoys me. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 10, 2009 looooooooool ,,, what a totally different positions ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites