Deeq A. Posted January 17, 2024 Booliska oo ka hadlay Nin ku Dhintay Hargeysa Hargeysa-Ciidamada Booliska JSL ayaa ka hawlgalay Alle ha naxariistee marxuum lagu magacaabi jiray Faarax Jimcaale Nuur oo maanta Abbaaro 11:00kii laydh ku dhegay , kaasi oo ka shaqaynaayay Huteelka Royal ee Masallaha , waxaana sababtay Bir laydh . Ciidanka Booliska ayaa markiiba halkaasi ku tagay gurmad degdeg ah isagoo kaashanaaya Ciidamada dab-damiska JSL Waxaanay Ciidanka Boolisku garahaan Hoggaanka Baadhista Dmabiyadu ku hawlanyahiin baadhid dheeraad ah. Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu bulshada Somaliland u soo jeedinayaa inay taxadar badan ka muujiyaan Biraha laydhka iyo waxyaabaha naftooda iyo maalkooadaba dhibaataynaaya. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites