Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo safar muhiim ah ku tagaya dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd, ayaa maalinta berri ah safar ugu baxaya waddanka Turkiga, kadib markii uu martiqaad ka helay wasaaradda Arrimaha dibadda waddankaasi.

Wasiirka waxa safarkiisa ku weheliya wakiilka cusub ee Somaliland u magacowday Turkiga danjire Maxamed Axmed Cawad.

Waxyaabaha laga wadahadli doono waxa ku jira  sidii Turkigu kor ugu qaadi lahaa meeqaamka xafiiska Somaliland ee Turkiga sida Gallaydh Media ilo-wargaleen ah u xaqiijiyeen.

Waxa la filayaa in wasiirku la kulmo mas’uuliyiinta sarsare ee wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this