Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland iyo UK oo ka wadahadlay Xoojinta Iskaashigooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland iyo UK oo ka wadahadlay Xoojinta Iskaashigooda
Somaliland-UK-Flags.jpg

Hargaysa (Qaran news) Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargaysa ayaa kormeer ku tagay xarunta wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi galinta Jamhuuriyadda Somaliland, halkaasi oo uu soo kormeeray qaybaha kala duwan ee ay wasaaradu ka kooban tahay.
Weftigan uu hogaaminayay madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargaysa ayaa waxa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Siciid Habane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mustafe Cabdi Ciise, iyo la taliyaha Wasiirka ee Wasaaradda Warfaafinta.
Weftigan iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafintu waxay kawada hadleen arrimo badan oo dhinaca Siyaasada ah iyo kor u qaadista xidhiidhka Wanaagsan ee ka dhaxeeya Dawlada Somaliland iyo Dawlada England.
Dawladda Ingiriiska ayaa ah dawlad uu xidhiidh qoto dheeri uu ka dhexeeyo Somaliland, kuwaasi oo saaxiibo dhaw ahaa muddo aad u badan, waxaanay iska taageeraan labada dal arrimaha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo dhinaca Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka.
Waana ta keentay inuu wanaagsanaado xidhiidhka masuuliyiinta Xafiiska Dawladda Ingiriiska iyo dhammaan Hay’adaha Somaliland oo ay kawada shaqeeyaan danaha labada dal.
Gebo’gabadii Weftigan Ingiriiska ah ayaa waxa ay soo kormeereen goobo muhiima oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi galinta Somaliland sida, Radio Hargaysa, Telefishanka Qaranka, iyo qolka kaydka wasaaradda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this