Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ciraaq oo Qaramada Midoobay u gudbinaysa dacwad ka dhan ah Iran

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1705404893259.jpg?resize=720%2C45

Dowladda Ciraaq ayaa maanta ku dhawaaqday in ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbin doonto cabasho ka dhan ah Iran.

Tallaabadaasi ayaa ka danbaysay weerarradii Ilaalada Kacaanka Iran ay ka fuliyeen magaalada Erbil, oo ay Ciraaq ku sheegtay weerar gardarro ah oo lagu beegsaday dad aan waxbo galabtay iyo goobo rayid degganyihiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq.

“Dowladda Ciraaq ayaa u aragta hab-dhaqankaas mid gardaro ah oo ka dhan ah madax-bannaanida Ciraaq iyo ammaanka shacabka Ciraaq, isla markaana meel ka dhac ku ah deris-wanaagga iyo nabad-galyada gobolka”.

“Ciraaq waxay xaqiijinaysaa inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciga ah oo ay ka mid tahay soo gudbinta cabasho loo gudbiyo golaha ammaanka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq.

Dhinaca kale, Iran ayaa la kulmaysa dhaleecayn weyn oo ka timid weerarrada lama filanka ah ee ay ka fulisay Ciraaq iyo Suuriya, iyagoo goobaha ay gantaalada Iran ku dhaceen lagu sheegay dhismayaal dad rayid ah ay degganayeen.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Ciraaq oo Qaramada Midoobay u gudbinaysa dacwad ka dhan ah Iran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this