Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo si adag uga hadlay Xannibaadda lagu sameeyay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

Recommended Posts

Deeq A.   
1-16.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xannibidda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali waxa uu ku tilmaamay mid dhaawac ku ah sumcadda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuuraysa ganacsatada Soomaaliyeed.

“Xanibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, waa mid dhaawac ku ah sumcadda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuuraysa ganacsatada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu ka soo kabanayo duruufo naafeeyey dhaqaalihiisa, sidaas awgeedna ay muhiim tahay  in la dhiirri-geliyo ganacsatada u soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalka soo maray, lagana fogaado in la wiiqo ganacsiga xorta ah ama la dhaawaco kalsoonidooda.

“Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadeyaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga, kuwaas oo door weyn ku leh shaqo abuurka dhallinyarada, horumarka iyo dhaqaalaha dalka, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in degdeg loo xalliyo tacaddiga iyo dhibaatada ay shirkadaha Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank ay ka tabanayaan Dowladda”.

“Shuruucda iyo xeerarka dalka ayaa hagaya ganacsiga xorta ah iyo shirkadaha waddaniga ah, wuxuuna siinaya xuquuq iyo dhiirrigalin buuxda si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka guud ahaan. Majirto waqti uu waddanku uga baahi badan yahay wadajir iyo isku duubnaan, si aan uga hortagno khataraha ummadeed ee nagu wajahan” ayuu sii raaciyay mudane Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo si adag uga hadlay Xannibaadda lagu sameeyay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this