Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: President Faroole returns after meeting international community

Recommended Posts

Garowe: Madaxweynaha Puntland oo ku soo fool leh caasumada Puntland.

23. april 2009

 

faroole4.jpg

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed ayaa ku soo fool leh magaalada Garowe ee caasumada Puntland, isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo duulay saacado ka hor magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa imaanshihiisa magaalada Garowe wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa Magaalada, waxaana la adkeeyey amaanka magaalada Garowe, waxaana la socda Madaxweyne Faroole qaar ka mid ah madaxda dawladda Puntland iyo siyaasiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.

 

Saacadaha nagu soo aadan ayaa lafilayaa in uu Madaxweynaha Puntland soo gaaro magaalada Garowe, isagoo markaasi ka dib lafilayo in uu saxaafada war ka siiyo xaaladii booqasho uu ku tagay magaalada Nayroobi.

 

Soo laabashada waqtigan ee wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaan la garan karin, waxaana wararku ay sheegayaan in uu waxyaabo kala gedisan uu lasoo kulmay uuna warbixin siin doono Mudanayaasha baarlamaanka Puntland maalinimada Sabtida ah oo ay ku guda jiraan la xisaabtamka xukuumadiisa.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Faroole oo Puntland dib ugu soo laabanaya iyo Khuburo baadhitaan ku samaynaysa Taangiyada sunta ah ee lugu hayo Xeebta Gacan ee Sanaag

 

Bosaso:-Wararka ka iminaya Magaalada Nayroobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa ku soo Waramaya in madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole uu dib ugu soo laabanayo maalmahan degaanada Maamul Goboleedka Puntland halkaasi oo ugaga warbixin doono Masuuliyiinta Maamulkiisa waxyaabihii uu kula soo kodlay dalka kenya iyo dowlada dalkaasi Kenya.

 

 

Mudane Craxamaan Maxamed Faroole Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Warar ku dhow dhow oo Radio Dhahar soo Xigtay ayaa tibaaxaya safarkiisan ku soo raaci donaan khubaro Baadhitaan kusamayn doonta Haamo waawayn oo looga shakisanyahay inay yihiin sun lugu qubi lahaa xeebaha maamul goboleedka Puntland taasi oo hadii ay cadaato uu maamulka Puntland la tiigsanayo maxkmada dowlada markabkaasi le.

 

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in madaxwaynaha maamulka puntland ay dowlada kenya ka cosatay in markiibtaasi ay baadhitaano kala duwan ku samayaan lakiin madaxwayne Faroole iyo Wasiirada dhanka Arimahaasi ayaa arintan aad u danaynaya inay Ogadaan.

 

 

Maalinkii shalay ayey ahayd Markii ay 3tigniko oo ciidamada Daraawiishta ah ay u boqoleen Dhinaca degmada Laasqoray gaar ahaan degaanka gacan oo lugu hayo 3markab oo si sharci daro ah u quudanayey Xeebaha Maamulk goboleedka Puntland sida ay shegeen nimanka gacanta ku haya oo Meesha ka saaray inaysan ahayn ama la mid ahayn kooxa wax qafaalata.

 

 

Xeebta gacan ee Nawaaxiga Magaalada Laasqoray ayaa markiibta yaala waxa ay kala yihiin 2Markab oo masaari ah mid Mid talyaaniga ah waxaana markiibta Masaarida ay sidaan Malayiin kaluunka ah oo aad u yaryar iyo kuwo waawaynba iyagoo xitaa ugxanta lka laynayey oo si wayn ula dirirayey Kaluunka ay hodonka ku tahay xeebaha Maamulka Puntland.

 

 

Maxamed Axmed Ciise

 

 

Radio Dhahar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in uu si aad ah ugu faraxsanyahay soodhaweynta balaaran ee ay u sameeyeen Masuuliyiintii soo dhaweysay uuna u mahad celinayo , waxuuna sidookale madaxweynaha soo hadal qaaday arimo farabadan oo ay ka mid ahaayeen arimaha Burcad badeeda isagoo sheegay in uu si aad ah uga xunyahay in kooxahani burcada ah ay sii laxaad sadaan islamarkaaana ay sumcad xumi weyn ay u soo jiideen Deegaanada Punland waxuuna carabka ku dhuftay waxkaqabashada Burcad badeeda .

 

Ugu dambeyntii madaxweyne Faroole ayaa safaro kala duwan ku tagay qeybo badan oo ka tirsan dalal ka dariska isaga iyo wafdi uu hogaaminayo waxaana safarkiisaasi oo kulamo la isku soo afgartay uu kula soo yeeshay madax kala duwan sida madaxda hay’adaha samafalka madaxda dowladaha dalalka uu booqday sida uu uga warbiyay madaxweyne C/raxmaan faroole saxaafada .

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtey Garoowe.

Thursday, April 23rd, 2009 at 10:28 pm

Horseed Media

News Desk

 

Waxaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha ayaa safar ku joogey dalka kenya halkaas oo lagu waday in uu kaga qaybgalo shir looga hadlaayo Burcad badeeda.

 

 

Madaxweynaha ayaa mudadii uu joogay Kenya waxa uu kulamo la qaatey Diblomaasiyiin kala gedisan, iyo mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Kenya.

 

Waxaa madaxweynah ku so dhaeweeyay Garoonka Diyaaradaha ee garoowe Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Madaxwqeyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamada Cali Shire.

 

Madaxweyne Faroole ayaa siiyey warbixin kooban saxaafadda, waxa uu sheegay in ay caalamka kala soo hadleen arimo la xiriira Amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibta weyn ee maanta caalamka la soo deristey taas oo ah Burcad Badeed, waxa uu sheegay in haddii iyaga Puntland ahaan la kaalmeeyo ay wax ka qaban karaan laakiin waan diidney ayuu yiri in Ciidamo ajnabi ah la keeno ama ay dhulka kula diriraan Burcad badeeda, haddii la qalabeeyo ciidankeena agabka aan u baahanahayna la siiyo wax waa laga qaban karaaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DGPL oo dib ugu noqdey Puntland

23 Apr 23, 2009 - 2:42:24 PM

 

Abaaro 2:45 daqiiqo ee duhurnimo 23 April ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Canoco ee ku yaala duleedka magaalada Gaaowe caasimada waxaa kasoo dagay Madaxwaynaha maamul gobaleedka Somaliyeed ee PL Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxmuud ( Farole )

 

Madaxwaynaha oo kasoo noqdey safar mudo Todobad ah qaatey Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa intii uu ku sugnaa halkaas kulamo kala duwan la qaatay madax ay kamid yihiin AU , EU , UN , safiirada wadamada reer galbeedka, ururada AU & EU, madaxda Kenya iyo kuwa DKMG ee Soomaaliya.

 

Madaxwaynaha ayaa Nairobi kasoo qaaday diyarad khaas ah oo ay leedahay QM waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay magalada caasimada ah ee Garowe , waxaana garoonka diyaradaha ku sugayay xubnaha golayaasha dawlada oo uu hor kacayey Madaxwayne ku xigeenka PL, ururada bulhsada iyo dadwayne farabadan oo safnaa inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo Madaxtoyada.

 

Madaxwaynaha oo hadal kooban u jeediyay xubaha labada gole ee dawlada iyo saxaafada kadib markii uu soo gaaray xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay inay guulo kasoo gaareen kulamadii ay kusoo yeesheen magaalada Nairobi waxaanu nasiib daro ku tilmaamay khatarta burcada ku hayso MGPL.

 

Waxaanu uu balan qaaday inuu si faahfaahsan uga hadli doono waxyaabaha uu kala soo hadlay beesha caalamka golayaasha dowlada kulamada ugu horeeya ee uu la yeesho.

 

Safarkan ayaa ahaa kii labaad ee Madaxwaynuha DGPL dibada ku aado tan iyo intii la doortay 8dii Janayo ee sanadkan.

 

Maxamed Kamil ( Qaamuus )

Radio Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Pilgrim:

 

Puntland President Faroole returned to Puntland after a week or so in Nairobi holding talks with members of the international community.

He met with the US, Italian, EU, AU and UN Ambassadors and other officials. The talks centered on frank discussion of the Somali security situation in general and Puntland states in particular. Faroole forwarded his plan to combat piracy and it was welcomed. He also had private talks with the Somali PM Sharmarke.

 

Few details are emerging but the President seems to be in an upbeat mood.

 

Duke

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Faroole oo ka xog waramay la kulamidii safar uu kaga soo laabtay Kenya.

 

Garowe, Apr 23 - M/weynaha Puntland C/raxmaan M. Faroole iyo wafti uu hogaaminayo oo todobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ayaa maanta dalka ku soo laabtay. M/weyne Faroole oo ka xog waramay kulamdii uu la yeeshay madaxda hay'adaha samafalka iyo danjirayaasha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi ayaa sheegay in ay gorfeeyeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka u dhexeeya hay'adaha iyo maamulka Puntland, la dagaalanka burcad badeeda, hawlaha dawlada federaalka ah, iyo taageerida dawlada.

 

Mar uu ka hadlay burcad badeeda ayaa uu sheegay in burcad badeedu ay sumcad xumo iyo dhib badan ay u soo jiideen Puntland iyo Somaliya oo idilba, ayna lama huraan tahay in lala dagaalamo.

 

Mar uu ka hadlay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo madaxda hay'adaha iyo wadamada uu la kulmay ayaa uu sheegay in ay isku afgarteen sare u qaadid iskaashi iyo wada shaqayn dhex marta Puntland iyo hay'adaha samafalka ah ee ka hawlgala Puntland.

 

M/weyne Faroole iyo waftigiisu mudadii ay ku sugnaanyeen Kenya waxaa ay la kulmeen danjirayaasha wadamada daneeya arrimaha Somaliya ee fadhigoodu yahay Kenya, ayna ka wada hadleen xal ka gaarida burcad badeeda ka ugaarata xeebaha Somaliya, iyo taageerida dawlada Somaliya.

 

Waxaa sidoo kale ay la kulmeen R/wasaaraha Somaliya oo isna hadda ku sugan Nairobi, oo ay ka wada hadleen iskaashi dhex mara dawlada federaalka ah iyo dawlada goboleedka Puntland.

 

M/weynaha iyo waftigiisa waxaa soo soo dhaweeyey madaxda golayaasha iyo hay'adaha dawlada, iyo shacabka ku nool caasimada Puntland ee Garowe.

 

M/weyne Faroole iyo waftigiisa ayaa hore safar hawleed ugu maray wadamada Ethiopia & Jabuuti.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this