The Zack Posted October 7, 2010 UNIVERSAL Taleefoonka ayay naga qaban weysey: Somaliland Kn: Maamul goboleedka Somaliland ayaa joojisey shaqadii taleefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee UNIVERSAL kadib markii wasiirka warfaafinta laga qaban waayay talefoon uu u direy madaxa UNIVERSAL Laakiin agaasimaha TV-ga Axmadeey Abubakar ayaa qaba in wasiirka warfaafinta Somaliland Geeljire uu yahay nin qurbo-joog ahaa oo fahamsan xasaasiyada ku lug leh taleefoonada Afrika laga soo diri iyo sida dadka qurbaha jooga ay ula macaamilaan taleefoonada usoo dhaca. Somaliland waxay ka cabanaysaa warar ay ku tilmaamtey kuwa dhan u janjeera, balse Axmedeey waxa uu leeyahay “40% wararka Somaliland ayaan baahinaa, mana qancin karno qof kasta oo dantiisa ka waaya TV-ga”. Kismaayo News.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted October 7, 2010 Per one Somaliland minister, Universal TV staff failed to answer his phone calls therefore he kicked them out from Hargeisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted October 7, 2010 No, they cover news on SSC, markaas bay ka caroodeen. The seccesionists are in deep Sh1t Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted October 7, 2010 “Markaanu codsano wixii Qarankayaga wax Yeelaya waa inay ka jawaabaan (Universal Tv), Maxaannu u Sugaynaa ma Lacag Bay Nagu Leeyihiin” Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Geeljire oo faahfaahin ka bixiyey sababta loo Xidhay Telefishanka Universal “Maaha dimuqraadiyad Universal ha idin caydee u dulqaata, dimuqraadiyad maaha taasi ee malaha buugaagta ayey wax kale idiinku qoran yihiin” Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire), ayaa ku eedeeyey telefishanka Universal Tv inuu ka dhigtay wararka Somaliland uu ka diyaariyo qaar barobagaandho ah oo lagu burburinayo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. Md. Geeljire oo waraysi siiyey Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, waxa uu sheegay in telefishankaasi sifo ka baxsan anshaxa warbaahinta warar uga diro Somaliland, isla markaana madaxdiisu diideen inay ka jawaabaan sababta arrintaasi ay u samaynayaan, sidaa daraadeedna khasab noqotay in la joojiyo shaqadii uu ka yahay Somaliland. Waraysigaas lala yeeshay wasiirka, waxa ugu horreyn lagu waydiiyey sababta ay u cuskadeen joojinta shaqadii telefishanka ee Somaliland, isna waxa uu ku jawaabay, “Waxaannu u cuskanay siday uga waramaan Somaliland oo aannu wax ka diidnay barmaamujyada ay ka duubaan, waxaanay ka jawaabi waayeen dalabkii aannu doonaynay in aannu kula kulano [masuuliyiinta telefishanka]. Waxyaabaha ay duubaan oo aannu u aragno inay barobogaadho yihiin oo aanay ahayn war sugan, waayo waxa ka maqan isu miisaankii, waxa ka maqan dad ka jawaabaya waxyaabaha ay duubaan oo dhinacayaga ah ma soo daayaan, waa waxaannu doonayno inay ka jawaabaan oo aannu waydiino.” Wasiirka oo la waydiiyey sida uu u arko haddii telefishanku wararka u gudbiyo ay iyaga ula muuqato inay dhexdhexaad yihiin oo aanay waxba falin, waxa uu ku jawaabay, “Markaanu jawaab codsano sow inay nagala hadlaan maaha, oo aannu nidhaa sidaasaanu u aragnaa ee maxay ku dhacday arrintaasi ama aad sidaa u yeesheen? Markaa illeyn qancin baa meesha taala.” Md. Geeljire oo la waydiiyey in wararka telefishankaasi sii daayo loo diyaariyo qaabka xukuumaddu doonayso mise inay kaba soo horjeedaan wararka Somaliland laga sii daayo, waxa uu yidhi, “Horta annagu sidaanu doonayno waanu u caddayn doonaa, waanu daawanaa oo ummaddayadu way daawataa, sidaanu u aragnaa barobagaadho ayuu u badan yahay ka soo horjeeda Somaliland iyo midnimadeeda, waxa ka mid ah siday u buunbuuniyaan nabad-diidka Somaliland oo ka jira gobollada Togdheer iyo kuwa SSC la yidhaa siday uga soo waramaan, laakiin waxaa waxa isku fuuqsaday waxaannu doonaynay inay ka jawaabaan waxay sidaa u yeelayaan waxay u sii dayn la’yihiin jawaabihii aannu ka bixinay waxyaabaha qaar ee ay hoosta u dhigayaan. Warka si bay u duubanayaan annaguna si baanu u aragnaa, warku waa in dhinacyada uu khuseeyo wax laga waydiiyo xattaa haba waayaane. Markaa hawl baa naga dhaxaysa ee maaha inay telefoonada xidhaan. Dawlad baanu nahaye wixii wadankayaga aannu ka waydiino waa inay ka jawaabaan. Mar la waydiiyey Wasiirka su’aal ahayd ‘in laga yaabo in dhinacooda wararka wax laga waydiiyo oo ay sugiwaayeen ama ka degdegeen,’ waxa uu kaga jawaabay, “Lagama yaabo ee markaanu codsano waa inay ka jawaabaan, maxaannu u sugaynaa ma lacag bay nagu leeyihiin. Markaanu waydiino wixii qarankayaga waxyeelaya cidna u daba fadhiisan mayno, kelidood lama macaamilno ee umado badan xataa idinka (VOA) ayaanu idinla macaamilnaa, wixii aannu codsano waa in nalooga soo jawaabaa, annaguna dad macquul ah baanu nahay oo jawaabta wixii na qanciya qaadan kara wixii kalena ka doodi kara.” Waxa kale oo oo la waydiiyey wasiirka inay ula muuqato inuu ku kacay fal cabudhin ah isagoo og qadarin warbaahinta madaxbannaan oo awood ay adeegsadeen, waxaannu yidhi, “Horta cabudhin adiga ayaa ugu yeedhay ee maaha, annagu cabudhin mayno ee waddankan xil baa naga saaran wixii ka dhacana dawlad baanu u leenahay, keliya waxaannu codsanay in aannu waxan (wararka telefishanku Somaliland ka baahiyo) ka wadahadalno, iminka haddii ay Wasaaradda Warfaafinta noogu yimaadaan oo aannu ka wadahadalno arrimaha naga dhexeeya cabudhinmaynee markaanu heshiino waanu u sii dayn doonaa. Horta awoodda aannu leenahay wadankayaga ayaanu ku difaacaynaa, laakiin madaxdoodu markay wadahadal diideen, kama cabanayno xafiisyada gudaha, markaa awoodda aanu leenahay haddii aanaan dalkayaga ku difaacin maxaannu ku falaynaa? Sow maaha in annu ku joojino wixii aanaan raali kala ahayn dalkayaga iyo dadkayaga, taas ayuu xil naga saaran yahay ee Universal (telefishanka) nagama saarna.” Weriyaha Idaacadda ee waraysanayey Wasiirka oo su’aalay in arrintani meesha ka saarayso dimuqraadiyadii Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Dimuqraadiyaddu waataanu doorashada ku qabsanay, waataanu ku codaynay ee safafka u galnay, waataanu ku kala nabadgalnay, waataanu dawlad, Baarlaman, Guurti iyo xisbiyo u leenahay, maaha dimuqraadiyad Universal ha idin caydee u dulqaata, dimuqraadiyad maaha taasi ee malaha buugaagta ayey wax kale idiinku qoran yihiin. Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted October 7, 2010 ^will Dahabshiil stop advertising on Universal now? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted October 7, 2010 ^LOOL Good question. Dahabshiil needs Universal but Universal doesn't need Dahabshiil. Either way, it is still not very clear of what they are upset about. At least they are not saying it yet. "They didn't answer my phone calls" is all this guys has said . Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted October 7, 2010 Maxaa Dahabshiil xagana keeney? Ma lacagtii reer SSC buu gurtay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted October 7, 2010 Originally posted by The Zack: ^LOOL Good question. Dahabshiil needs Universal but Universal doesn't need Dahabshiil. Either way, it is still not very clear of what they are upset about. At least they are not saying it yet. "They didn't answer my phone calls" is all this guys has said . Ninyow baryahan waxaad soo baxday dhataqle caathi ah.Hadalkaaga xoogaa miisaan u yeel oo waxaanad war kahayn ha iskaga hadlin. Waa iga talo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted October 7, 2010 Originally posted by RedSea: quote:Originally posted by The Zack: ^LOOL Good question. Dahabshiil needs Universal but Universal doesn't need Dahabshiil. Either way, it is still not very clear of what they are upset about. At least they are not saying it yet. "They didn't answer my phone calls" is all this guys has said . Ninyow baryahan waxaad soo baxday dhataqle caathi ah. Hadalkaaga xoogaa miisaan u yeel oo waxaanad war kahayn ha iskaga hadlin. Waa iga talo. Waa maxay af-lagaaddada? Dahabshiil ma adaa leh mise qabyaalad buu dhiigga kula kacay? Anyways, is deji fikirkaadana dhiibo adoon dhiig-kar isku ridin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted October 7, 2010 Saaxibkaa Zack la tali uun baa Igu jirtay ee wax Hallee is ma lahayn. Hadii aad xumaan u aragtay intaa Raali ayaad iska ahaan, sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted October 7, 2010 ^Raali iyo Nus sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted October 7, 2010 ^^^Axyaa Faariid! Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted October 7, 2010 He added that Universal TV management did not respond to phone calls and clarifications requests from his ministry. The Minister didn’t give out specifics why he reached this decision at this time. Read the full article... Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted October 7, 2010 One wonders what happened to the "newly born" "democracy" and "freedom of speech" in Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites