Cowke Posted June 21, 2010 Ku Xigeenka Duqa Boosaaso oo RBC Radio uga Waramay Qorshaha Dib u Dejinta Barakacayaasha Boosaaso (Dhageyso) Boosaaso (RBC Radio) Gudoomiye ku xigeenka magaalada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir ayaa u sheegay RBC in maamulka degmadu uu qorsheynayo in dhul u gaar ah la dejiyo dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Boosaaso. Ku Xigeenka duqa magaalada Boosaaso waxaa uu sheegay in arintaasi loo sameynayo si looga hortago dhibaatada ka timaada dabka ka dhasha xeryaha barakacayaasha oo saameyn ku yeelata dadka degaanka. Wareysi gaar ah oo gudoomiye ku xigeenku uu siiyey RBC Radio ayuu ku sheegay in dowlada hoose ay hadda gacanta ku heyso dhulkii la dejin lahaa barakacayaasha kaasoo ay ku deeqeen ganacsato, aqoonyahano iyo waxgarad reer Boosaaso ah. Wuxuuna sheegay in maamulka degmadu ay dadaal ugu jiraan sidii wax badan looga qaban lahaa arimaha amniga, nolosha iyo tasiilaadka kale ee ay u baahan yihiin dadka si meesha loo rarayo dadka ay u noqoto meel lagu noolaan karo. Wuxuu sheegay in dhulkaasi laga dhisi doono guryo degaamo ah, suuq, goobo waxbarasho iyo dhamaan adeegyada kale ee muhimka u ah dadka barakacayaasha ah, iyadoo maamulka degmadu uu la kaashanayo hay’adaha. C/qaadir Yuusuf wuxuu intaa ku daray in dhibaato badan ay ka jirto sidii loo nidaamin lahaa dadka soo barakacay oo sii kordhaya, isla markaana aaney ka taxadarin khataraha sida dabka oo kale ee had iyo jeer khasaaraha u geysta. Mar RBC weydiisay ku xigeenka duqu arinta dab demiska Boosaaso oo lagu dhaliilo inuu ka dib dhaco marka uu dab qabsado meel magaalada ka mid ah ayuu sheegay in ciidanka dab demisku ay dadaal muujin doonaan. Dhinaca kale wuxuu ku xigeenka duqu u mahadceliyey hay’ada Tadamun oo deeqdii ugu horeysay gaarsiiyey illaa 1,600 qoys oo ka mid ah barakacayaasha magaalada oo dhowaan ku guryo beelay dab ka kacay xeryo ka mid ah magaalada 13-kii bishan. Inta badan magaalada Boosaaso waxaa xilliga xagaaga ka dhaca dab sababa khasaarooyin kala duwan una badan xeryaha barakacayaasha isla markaana khatar gelin kara dadka kale ee degaanka. RBC Radio Audio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 21, 2010 Hay’ada Tadamun oo Deeqdii ugu Horeysay Gaarsiisay Dadkii Ku Guryo Beelay Xerada Shabeelle ee Boosaaso (Sawiro & Dhageysi)) Boosaaso (RBC) Hay’ada Wadaniga Tadamun ayaa maanta deeqdii ugu horeysay oo ka kooban bustayaal iyo bacaha roobka gaarsiisay 1,600 qoys oo ku guryo beelay dabkii ka kacay toddobaadkii hore xeryaha barakacayaasha Shabeelle, Girible iyo Jigjiga oo ku yaalla bariga magaalada Boosaaso. Deeqdan oo ah midii ugu horeysay ee la siiyo qoysaskaasi ku dhibaatoobay dabka ayaa waxaa qeybinteeda ka horeeyey sahan xog ururin ah oo hay’ada ku sameysay dhibaatada heysata qoysaska barakacayaasha ee dabku saameeyey, gaar ahaan baahida ku saabsan hoyga. Masuuliyiinta hay’ada Tadamun oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socotay maamulka degmada Boosaaso kuwaasi oo goob joog u ahaa qeybinta deeqdan la gaarsiiyey dadka barakacayaasha ee ku nool saddexda xero qoxooti. Maamulaha guud ee hay’ada Tadamun C/laahi Sheekh Xasan ayaa RBC u sheegay in deeqda ay gaarsiiyeen dadka barakacayaasha ee ku guryo beelay xerada Shabeelle ee Boosaaso ay gaareyso 1,600 oo buste iyo 100 bacaha roobka ah, taasi oo sida uu sheegay ah qeybtii ugu horeeysay ee gurmadka deg dega maadaama qoysasku ay ku jiraan xaalad adag una baahan yihiin gacan deg deg ah. Ku xigeenka duqa magaalada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir oo isaguna goobtaasi kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka degmadu uu u mahadcelinayo si gaar ah hay’adaha ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay xagga gurmadka uga horeeyaan kuwa ajnabiga marka ay dhibaatooyinka jiraan, wuxuuna gudoomiye ku xigeenka Boosaaso ku baaqay in dadaalada lagu caawinayo barakacayaasha ay sii socdaan. Ku Xigeenka duqa Boosaaso wuxuu dhinaca kale sheegay in dowlada hoose ay diyaarineyso qorshe dadka barakacayaasha ah loogu sameynayo degaan u gaar ah oo leh adeegyada muhimka ah, si ay uga samatabaxaan dadbabka had iyo jeer ku soo noqnoqda. Bashir Cali Aadan oo ah madaxa mashaariicda ee hay’ada Tadamun oo RBC wareysi gaar ah siiyey hawshan ka dib ayaa sheegay in ka hay’adahaan ay noqdeen kuwii ugu horeeyey ee wax gaarsiiya dadka walaalaha ah ee dhibaateysan iyadoo ay gacan ka geysatey hay’ada Unicef, isagoo xusay in kaalmooyinka noocan oo kale ah ay sii socon doonaan. Intii ay socotay hawsha qeybinta deeqdan ay Hay’ada Tadamun gaarsiisay qoysaskii ku dibaatoobay dabkii xeryaha Shabeele, Girible iyo Jigjiga waxaa gacan ka geystey ciidamada booliska degmada oo iyagu amaanka ilaalinayey isla markaana habsami u socodka hawsha gacan ka siinayey shaqaalihii hawsha waday. Haween ka mid ah kuwii maanta nasiibka u heley deeqdan la siiyey ayaa RBC u sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay qalabka la siiyey oo ay sheegtay inay ka caawin doonaan inay markale dhisato gurigii ka gubtay 13-kii bishan oo ahayd markii uu dab xoogan baabi’iyey xerada Kaam Shabeelle. Waxaa dadka qaadanayey deeqdan ku jiray waayeelo, indhoolayaal iyo haween caruur sita oo aad ugu nugul dhibaatada ka heysata xagga hoyga. Barakacayaasha ayaa ka sokow deeqdan waxay baaq u jeediyeen maamulka gobolka, kan degmada iyo ganacsatada deegaanka oo ay ka codsadeen in la siiyo dhul gaar ah oo ay degaan loogana dhiso guryo si ay uga nabadgalaan gubashada had iyo jeer ku timaada guryahooda taasoo xitaa khatargelisa noloha dadka. Dabkii 13-ka bishan June baabi’iyey xerada Kaam Shabeele waxaa ku dhintay nin waayeel ah iyadoo tiro dhowr ruuxna ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu dabku ugu tegey aqaladooda oo ku yaalay saddexda xero qoxooti. Barakacayaasha ku dhaqan Boosaaso ayaa ah kuwo sanad kasta sii kordhaya, waxaana jirta caqabad weyn oo ka heysata xagga hoyga degaanka iyo nolosha. mana jirto cid si gaar ah u kafaala qaada dadkaasi marka laga reebo deeqaha la gaarsiiyo balse waxaa hubaal ah in deeq kaliya oo dadkaasi la siiyo aysan kaafin doonaan baahiyaha taagan ee barakacayaasha, tiiyoo ay dheer tahay kaalintii maamulka oo meesha ka maqan. Cabdalle Muumin RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 21, 2010 Wafdi Ka Socda Dalka Mareykanka Oo Gaalkacyo Soo Gaarey Maanta (Sawiro) Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Wafdi ka socda dalka Mareykanka ayaa maanta soo gaarey magaalada Gaalkacyo, iyadoo xubnaha wafdigaasina ay ka soo amba baxeen magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland. Wafdigani ayaa ka socda Hay’ada American Refugee Council oo ah Hay’ad qaabilsan arimaha qaxootiga oo laga leeyahay wadanka Mareykanka, waxaana magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye iyo Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan. Wafdigani ka socda Hay’ada American Refugee Council ayaa kala ahaa Eric oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka iyo Siciid Yuusuf oo ah wiil Soomaali ah oo hay’ada la shaqeeya isla markaana kala yimid dhinaca dalka Mareykanka. Waxaa xubnaha wafdiga weheliyay Agaasimaha guud ee Hay’ada Daryeelka Bulshada Puntland C/shakuur Maxamuud Gurey, waxaana xubnaha wafdigaasi lagu soo dhaweeyay oo ay kulan ku galeen xarunta Wasaarada Haweenka ee gobolka Mudug. Saraakiishani ka socota Dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay u yimaadeen in ay wax ka qabtaan arimaha qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay ****olaan baahiyaha dhinaca nolosha iyo horumarka bulshada magaalooyinka Puntland. Siciid Yuusuf Shiikh Cabdi oo ka tirsan Hay'ada American Refugee Council. Xubnaha wafdigani ayaa sheegay in ahaayeen afar xubnood, oo kala ah laba xubnood oo Soomaali ah iyo laba ajaanib ah oo u dhashay dalka Mareykanka, waxaana ay isu kala qeybiyeen magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyaga oo laba xubnood u diray magaalada Boosaaso halka labadana ay yimaadeen magaalada Gaalkacyo. Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Murwo Caasho Geelle ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso xubnaha wafdigani iyo hay’ada American Refugee Council, waxayna Wasiiradu sheegtay in Hay’adani ay ka codsatey mar hore in ay dalka yimaadaan gaar ahaan Puntland, mar ay booqasho ku joogtay dalkaasi Mareykanka. Hay’ada America Refugee Council saraakiisha ka socota ayaa sheegay in ay joogi doonaan labada maalmood ee soo socota iyaga oo booqanaya xarumaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha iyo qaxootiga isugu jira ee ku nool kaamamka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites